9654 Views

Wasiirka Maaliyadda oo Daah Furay Mashruuc Lagu Dhisayo Habka Maamulka Maaliyadda ee Ciidamada Qaranka

Wasiirka Maaliyadda oo Daah Furay Mashruuc Lagu Dhisayo Habka Maamulka Maaliyadda ee Ciidamada Qaranka
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 29, Sept, 2016 – Wasiika Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Aden Ibraahim Ferkeeti ayaa maanta daah furay mashruuca daahfurnaanta maamulka maaliyadda ee dhanka Ciidanka Qaranku oo socon doono mudo laba bilood ah, kaas oo lagu tayeeynayo mushaaraadka ciidanka qaranka si ay u helaan xuquuqdooda waqti cayiman,

Shirka lagu daah furayey mashruucaan cusub ayaa waxaa ka soo qayb galay Wasiirka Gaashaandhiga Gen; Cabdulqdir Cali Diini, Khubaro ka socotay Wasaarada Amniga Qaranka, Saraakiil ka socotay midowga yurub oo tababarta ciidanaka, iyo Saraakiil AMISOM.

Ugu horeyntii Wasiirka Maaliyadda mudane Farkeeti ayaa sheegay in dowladu ay ku guulaysatay in shaqaalaha dowladda ay mushaarkoodu ugu dhacaan xisaabaha uga furan Bangiyada, maantana aan daahfurayno mashrucaana kaas la mid ah oo lagu tayeeynayo in ciidanka qaranka loo sameeyo hab u sahlaya in mushaarkooda ku helaan waqti cayiman.

wasiirka-maaliyada-4

“Ciidnakeenu waxay safka hore uga jiraan dagaal ay kula jiro kooxaha nabad diidka ah ee Alshabaab, waxayna u taagan yihiin xaqiijinta Amniga, Waxaa ka dowalad ahaan waajib nagu ah in aan ka taxadarno bixinta mushaaraadka ciidamada kala duwan, uuna noqdana mid si joogta ah loo helo, taa marka la suurtagalinayo waa in la helo qaab ku salaysan isla xisaabtan iyo hufnaan lagu bixiyo mushaaraadka ciidanka”

Wasiirka Maaliyadda oo sii hadlayey ayaa yiri“ “Miisaaniyadda dowaladda 45% waxay ku baxdaa Ciidamadda kala duwan, mashruucaana wuxuu noo sahlayaa bixinta mushaaraadka iyo gunooyinka ciidanka, waxaana hada aad u adag qaabka loo gaarisiyo ciidamada, iyadoo lagu qaado diyaarado si lo gaarisiiyo ciidamada ku kala firirsan goboladda dalka. Bilaha soo socda dowladdu waxay fulin doontaa in isbadal balaarn lagu sameeyo qaabka bixinta mushaaraadka iyadoo la isticmaalayo hab cusub oo sahlaya in mushaarka isla markiba uu helo askariga xaqa u leh, isagoo jooga goobta uu shaqada qaran ka hayo, wuxuuna mashruucaan cusub meesha ka saarayaa musuq maasuqa, waxayna dowladdu awoodo u yeelanaysaa in deeqaha mushaaraadka ee caalamku bixiyo loo isticmaalo hab ku dhisan isla xisaabtan”

wasiirka-maaliyada-2

Sidoo kale Wasiirka Gaashaandgiga Cabdulqadir Sheikh Cali Diini ayaa sheegay in mashruucaan hada lagu bilaabyaa Ciidamada Qaranka ayna ku xigi doonaan ciidaamda kala duwan ee dowladda,

“Mashruucaan wuxuu naga caawinayaa in meesha laga saaro lacagtii cadaanka ahayd ee loo qaadi jiray ciidamada furimaha ku jira,wuxuuna bilow fiican u yahay sidii ciidanka qaranku ay u heli lahayeen xuquuqdooda xili cayiman, dhinaceena waxaan balan qaadanynaa inaan u muujino wada shaqyan joogta ah hay’ada fulinaysa barnaamijkaan, mushraacaana wuxuu ka qayb qaadanayaa dhisimaha guud ee aan ku wadno ciidanka qaranka” ayuu yiri Wasiir Diini.

Barnaamijkaan dhaqaalaha ku baxaya waxaa ku deeqay UKaid iyo Midowga Yurub, wuxuuna qayb ka yahay dadaal balaaran oo loogu jiro sidii kor loogu qaadi lahaa hanaanka dhismaha ciidanka Qaranka Soomaaliya oo kukala firirsan goboladda dalka si loogu sameeyo maamul mushaar oo ku dhisan isla xisaabtan iyo hufnaan.

.

.

.

______________________

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment