3282 Views

Danjire Afey oo loo magacaabay Ergeyga Qaxootiga Soomaaliya

Danjire Afey oo loo magacaabay Ergeyga Qaxootiga Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho, October 1, 2016: Markii u horeysay ayaa Qaramada Midoobey ergey gaar ah u magacawday Arrimaha Qaxootiga Soomaaliya, si loo hubiyo ammaanka qaxootiga, xilli kooxaha xuquuqda aadanaha ay ku eedeeyeen dowladda Kenya inay dooneyso in si qasab ah ku xirto xerada qaxootiga ugu weyn Caalamka ee lagu magacaabo Dadaab.

Danjire Maxamed Cabdi Afey, oo hada haya xilka Wakiilka Urur Goboleedka IGAD, ayaa loo magacaabay Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Qaxootiga Soomaaliya, isagoo ka shaqeyn doono dadaalka dib u celinta qaxootiga iyo xal u helida magangalyada dadka qaxootiga heer qaran iyo heer gobolba ayada oo Qaramada Midoobey kor kala socon-doonto.

Mudane Afey ayaa sidoo kale ka shaqeyn doona sidii dadka dib loogu celinayo Soomaaliya loogu abuuri lahaa mashaariic horumarineed oo ay maareeyaan danahooda.

Dad gaarayaa 31 kun oo qaxooti ayaa si iskood ah dib ugu laabtay Soomaaliya tan iyo sanadkii 2014, waxaase jira walaac laga qabo qorshaha Kenya ku dooneyso inay dadkaas si qasab ah ku celiso oo hay’adaha Xuquul-insaanka ay indha gaar ah ku hayaan.

Kenya ayaa bishii May ee sanadkan ku dhawaaqday inay xiri doonto xerada Dadaab, kadib markii ay sheegeen in weerarada argagixiso ee gudaha dalkeeda ka dhaca, laga soo ababaulo xeradaas, in kastoo dowladda Kenya aysan u haynin cadaymo mujinaayo warka ka soo baxay.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment