9603 Views

Yaa Noo Jideeyay Jidkaan ?

Yaa Noo Jideeyay Jidkaan ?
____________________________________________________________________________

Toronto | QOL | 01 October 2016 | Ha u arkin inaan qabyaalad ka hadlaayo, laakiin waxaan fasiray sida ay ila tahay habkan uu u dhisan yahay nidaamka Soomaaliya ka jira iyo sida madaxda loo xusho una muuqda mid aan meel gaari Karin.

Baarlamaanka Soomaaliya oo ku fadhiya hab beeleed waxaa uu ka kooban yahay 135 Juffo hoosaad oo ka kala socda beelaha Soomaaliyeed ee loo qaybiyay 4 beel iyo bar, iyadoo 135-taas juffo ay soo xushaan 275 Xildhibaan haba kala badnaadaano xildhibaannada juffo waliba ay saamiga u leedahay.

Hadaan gudaha u sii galo, beesha Hawiye waxay xildhibaannadoodu ka yimaadaan 28 Juffo hoosaad oo soo xusha 61 xildhibaan, halka beelaha Daarood iyo Digil iyo Mirifle midiiba ay 30 juffo soo xulato 61 xildhibaan. Beesha direed ayay 21 juffo soo xushaan 61 xildhibaan, waxaa kaloo iyana 23 juffo oo beelaha lagu sheegay in laga tira badan yahay ay soo xushaan 31 xildhibaan oo u matalaya baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Beesha Mudulood oo ah beel ka tirsan beelaha Hawiye ayaa waxay tahay beesha ugu Xildhibaannada badan baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo beeshu ay ku leedahay Baarlamaanka 15 Xildhibaan, waxaa iyana ku xigta beesha Sade(Mareexaan) oo 14 Xildhibaan ku leh baarlamaanka, halka kaalinta 3aad ay beelaha Habargidir iyo Majeerteen midiiba tiro 12 xildhibaan ah ku leedahay fadhiga baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

14518464_1138211126272192_1306976329_n
Shirkii Carta ee loogu qabtay beelaha Soomaaliyeed in dib la isugu keeno dhidibadana u taagaan mar kale qarankii Soomaaliyeed ahaydna halkii laga soo minguuriyay nidaamkan uu u dhisan yahay Baarlamaanka Soomaaliya waxaa tirada xildhibaannada lagu qaybsaday sheeko Soomaaliga bulsho waliba ku sheekeeysato iyo sida ay qolo waliba u sheegato inay qolada kale ka badan tahay kana dhul baraalan tahay iyadoo dadka Soomaaliyeed aan ognahay inaan tiro dhab ah weligeed lagu samayn dhulka Soomaaliyana uu aad uga balaaran yahay dadka Soomaalida.

Hadii aan si kale aan u sheego dhulka Soomaaliya oo lagu qiyaaso 637.700 km2 waxuu si baaxad leh uga weyn yahay isku darka wadamada Uganda, Burundi, Ruwanda, Jabuuti iyo Sera Leone, iyadoo isugeynta shantaa wadan oo ahaa kuwii ciidamadu ka joogeen Soomaaliya uu ka weyn yahay dhul qiyaasyiisu ka wayn tahay wadanka Uganda, Iyadoo wadamadaasina ay ku nool yihiin isku darka tiro dad ah oo dhan 68.218.703, halka dhulka Soomaaliya oo baaxadaas leh ay ku noolyihiin qiyaastii ugu danbeeysay ee 2014-kii tiro dad ah oo dhan 10.816.143, taasi waxay cadayn u tahay in dhul baaxadiisa reer degan  aan lagu qiyaasi Karin tirada reerkaas.

Dowladii Carta waxaa miiska la saaray reer la is lahaa waa reer aysan Soomaaliya degi Karin hadii aysan xilkaa qaban waxaana si aan kala har lahayn ay raggii iyo dumarkii xildhibaanno beeleedyada ahaa si aqlabiyad ah ku doorteen Cabdiqaasin Salaad Xasan, Isagoo Raisulwasaare ka dhigtay Cali Khaliif Galayr oo ahaa Musharaxii raggii halkaa ku loolamayay ugu cadcadaa.

yusuf

Dowladaasi waa ay ka dhaqaaqi wayday gurigii Cabdiqaasin uu ka deganaa magaalada Muqdisho, iyadoo ay ka biyo diideen dagaal oogayaashii Muqdisho oo aanan shirkaa ka qayb gelin iyo C/laahi Yuusuf oo markaa Puntland Madax ka ahaa. Iyadoo habkii uu raisulwasaaraha u xushayna ay qilaafsanayd habka caanka ah ee lagu yaqaanay dowladihii tabarta darnaa ee xornimada kedib isaga danbeeyay.

Waxaa xigay Dowladii Empaghati oo dib u soo nooleeysay nidaamkii 60-naadkii(QURBO SIREED) isagoo AUN Madaxwayne C/laahi Yuusuf uu isagu niyadda ku hayay in aanay dowladnmo suurto geli Karin hadii aan Xamar salka la dhigin aysana suurto geli Karin hadii uusan raisulwasaaruhu ka imaan Mudulood, ciidamo shisheeye iyo dagaalo muqaawimo kedib C/laahi yuusuf waxaa lagu qasbay inuu xilka ka tago.
Labadii maamul ee is xigay ee Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh iyaguna waxay dib u qaateen hab dhaqameed lagu cabiray in ay xaq u leeyihiin awooda raisulwasaare in ay qaban karaan oo keliya laba beelood iyagoo 6 rasulwasaare oo ay magaabeen ay ka soo wada jeedeen labada beelood ee Majeerteen iyo Mareexaan, taasoo micneheedu yahay in aanay Soomaalida kale kuba jirin talada aqoon kasta ay leeyhiin wadankoodana u shaqayn karaan, hadaba taasi malagu guulaystay ?

Soomaaliya Taariikhda mar qura ayay dowlad dhexe oo adag yeelatay waa xukunkii Kacaanka, waxa uuna ku yimid hab awood qaybsigu uusan ku dhisnayn heshiis beeleedyo, laakiin dadka Soomaaliyeed oo dhami ay u sinaayeen talada wadanka waa tusaale yar hadii aan dib u xusuusano berisamaadkii intiisii ugu wanaagsanayd. Waxaa jiray in shaqsigu dareemi jiray inuu dhulka iyo dalka wax ka leeyahay, muwaadin kasta oo Soomaali ahna xil ama shaqo qaran oo dowladeed ka mudnaa wadanka dacaladiisa beeshuu rabo haka soo jeedee, waana hab cadayn ugu filan inaysan 2 ama 3 beel wadan talladiisa ama awoodiisa qaban Karin.

Waa Soomaali dadka la doonayo in la hogaamiyo, waa Soomaali ka aqoon badan kana fiiro dheer Soomaalidii 60-kii, waa Soomaali la socota xaalka sida uu ku socdo inaysan xal ahayn, in beel la yiraahdo gudoomiye baarlamaan wax aan ahayn ma awoodid, beel kalena lagu sheego raisulwasaare ku xigeen u xayirnoow iyadoo intii kale lagu sheegay waxba yahay ama point five.

Baarlamaanka Soomaaliya waxa uu ka kooban yahay 275, waxa xilalka labada darajo ee ugu sareeysa looga kala haray 3 beelood oo tirada xildhibaannada u fadhiya baarlamaanka ay yihiin isku darkoodu 41 Xildhibaan(Mudulood, Majeerteen iyo Mareexaan) iyadoo 234 xildhibaan ee soo hartay ay ka culays badan yihiin 41-daa Xildhibaan, dowlad kasta oo halkaa ka soo baxdaana ay tahay mid tabar daran dadkuna aysan ku qanacsanayn danna ka lahayn maadaama tallada wadanka lagu koobay dhowr reer.

Hadaan fiirino nidaamka caalamiga ah ee lagu dejiyo tirada Xildhibaannada waxaa la isticmaalaa tirada shacabkaasi yahay oo loo qaybiyo tirada xildhibaannada la Isla garto, kedibna xildhibaanku waxa uu xildhibaan ku noqdaa tirada uu shacabka dalkaas kaga soo aaday qaybintii, si uu muwaadin kasta u helo cid ku matasha golaha, iyadoo degaamada aanan dadku ku badnayn lagu kabo kuwa deriska la ah si loo helo tirada la Isla gartay uu ku matali karo shacabka.

Hadaba anigu ma garanayo habkii la iskugu afgartay in 275 Xildhibaan baarlamaanka Soomaaliya laga dhigo, hadaanse taa qiyaasta ka qaato kuna cabiro halbeega caalamiga ah waxa uu Xildhibaanka federaalka Soomaaliya matali karaa 40.000 kun oo muwaadiniin ah.

41-ka Xildhibaan ee matala siyaasaddan QUDBA-SIREEDKA ah ee wadanka taladiisa sare lagu caadeeystay waxay matalaan qiyaasti tiro dhan (1.640.000 Millan) shacab ah, iyadoo tirada 234 xildhibaan ee aan talada sare ee wadanka ka qaybgeli karin ay matalaan (9.360.000 Millan) muwaadiniin ah, waa markaan qiyaasta ka qaato tirada lagu sheegay Soomaalida.

Waxaa laga yaabaa in dad badan ay is waydiiyaan yaa ka hortaagan inay fagaaraha yimaadaan, cadaynta ugu fiican waxay tahay way jiraan rag ka aqoon iyo qibrad badan raga soo qabtay xilalka madaxtinnimada ama raisulwasaarayaasha laakiin waxa ay cilladu tahay 234-ta xildhibaan oo isugu jira dad dib jirro ah, kuwo aan aqoon badan lahayn, kuwo cabsi iyo baqdin ku jirto iyo kuwooda ugu badan oo laga dhaadhiciyay hadaysan beesha Xamar ku abtirsataa aysan xilka qaban, Xamar joogis ma leh kuna qasban inay hal dhinac u codaayaan taasoo tijaabooyin badan lagu ogaaday keentayna inaan la hawaysan xilkaa inta laga gaarayo qof iyo cod oo aan hubo in hadii ay si cadaalad ah dadku wax u doortaan lagu kalsoonaan doono cidii talada wadanka qabata, laakiin inta ka horeeysa cidii qabataba waxaysan ka dhaqaaqi Karin inta badan ee qaabka qaldan ee nidaamka talada wadanka diidan, aamusnaantuna waa cilladda ugu wayn ee haysta dib u dhisida qaranka Soomaaliya oo ka dhaqaaqi la’ 1KM xukun ka balaaran.

Iyadoo inta badan ee Soomaalida ah laga dhadhansan karo kalsooni darro ay wadanka iyo taladiisa ka qabaan, kuwooda aqoonta lihina ay yiraahdaa bal aan eego meesha ay wax gayn karaan, taasoo laga garan karo tabardarida dowladahaan 3dexda beel isku koobay ee aan talaabo qaadi karin, una muuqata weli inay jidkii lagu guuldaraystay howshu ku socoto 4 sanno ee soo socota, qoladaan loo daayayna is moodeen inay guul u tahay,  ” Dib u dhac ka xun ma jiro marka waajib ummadi leedahay shaqsiyaad kooban keliya laga sugo”.

Waa fududahay in la saxo waxaana rajeeynayaa in markaan ninkii xilka ugu sareeya qabta uu talada wadanka ka qaybgeliyo dadka Soomaalida isagoon u fiirin beesha uu ka soo jeedo maadaama aanay maanta jirin qabiil qabiil ka xoog badan kuna duuli kara mar hadii wadanku ciidan shisheeye gacanta ugu jiro oo aanay jirin qabiil madaxdiisa amaankeeda sugi kara.

.

Akhri qaabka jufooyinka Baarlamaanka

By: Mustafa S Awale

______________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment