3513 Views

Ciidamo ka tirsan AMISOM oo la geenaayo Cadaado

Ciidamo ka tirsan AMISOM oo la geenaayo Cadaado
____________________________________________________________________________

Muqdisho, October 2, 2016: Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya, C/Qaadir Sheekh Cali Diini, iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa hada ku sugan Magaalada Cadaado oo Xarun KMG u ah Galmudug

Dini ayaa tilmaamay iney hada socoto qorshaha AMisom lagu geynayo Magaalada Cadaado si ay uga qeyb qaataan sugida AMniga Cadaado inta ay socoto Doorashooyinka

Sidoo kale Ciidamo katirsan Dowlada Soomaaliya ayuu sheegay iyana in loo xil saarayo Sugida amniga halka ay ka socoto xulista Xubnaha Aqalka Sare.

Galmudug ayaa horay uga biyadiiday in Ciidamo ka tirsan AMISOM la geeyo Magaalada Cadaado,waxaana ay sheegeen in ay isku kalsoonyihiin.

Dowladda Soomaaliya ayaa xoogga saareysa in Ciidamo ka socda AMISOM la geeyo magaalada Cadaado si ay u xaqiijiyaan amniga goobaha ay doorashooyinka ka dhaci doonaan.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment