5472 Views

Itoobiya oo shaacisay waqtiga oo Ciidankeeda ay kala baxeyso Soomaaliya

Itoobiya oo shaacisay waqtiga oo Ciidankeeda ay kala baxeyso Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho, October 3, 2016: Dowladda Itoobiya ayaa qorsheyneysa iney  Ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya,kuwaasi oo hada qeyb ka ah Howlgalka AMISOM ee Soomaaliya.

Kumanaan Ciidanka Itoobiya oo wata dabaabadaha dagaalka ayaa hada ku sugan gudaha Soomaaliya,kuwaasi oo la dagaalamaya ururka Al-shabaab.

Ujeedada Itoobiya Ciidankaeeda kala baxeyso Soomaaliya ayaa waxay ku sheegtay iney xaalada Soomaaliya sidii hore ka soo hagaagtay,islamarkaana Al-shabaab laga saaray badi magaalooyinka waa weyn.

Sidoo kale,warka Itoobiya ka soo baxay ayaa lagu tilmaamay in Ciidanka Qaranka tababar,maskax iyo moralba sidii hore hada ay ka wanaagsan yihiin una baahan yihiin kaliya iney helaan qalabkii ay ku howlgali lahaayeen.

Ciidanka Itoobiya ayaa hada lagu waramayaa iney ka baxeen qeyb ka mid ah dalka Soomaaliya,halkaasi oo horay fariisimo ugu lahaayeen.

Waxaana ka mid fariisimaha Ciidanka baneeyeen,magaalooyinka Rabdhure, Burdhuhunle, Garasweyne, Gal’ad, Budbud, iyo Moqokori.

Dowladda iyo AMISOM midna kama uusan hadlin ka bixitaanka Ciidanka Itoobiya ee Soomaaliya.

Amaanka guud ahaan dalka ayaa hada si aad ah loo adkeeyay,maadama la filayo iney ka dhacaan Doorashooyinka dadban.

Xigasho: zegabi.com

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment