4989 Views

R/Wasaare ku xigeenka oo ku qancinaya odayaasha Hiiraan ka qeybgalka shirka Jowhar

R/Wasaare ku xigeenka oo ku qancinaya odayaasha Hiiraan ka qeybgalka shirka Jowhar
____________________________________________________________________________

Muqdisho, October 3, 2016: Maxamed Cumar Carte,Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Soomaaliya, ayaa wali ku sugan magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, halkaasi oo uu kulamo kula leeyahay odayaasha dhaqanka ee gobolka Hiiraan.

Kulamadaas, ayaa ujeedadooda waxay tahay sidii odayaasha loogu qancin lahaa ka qeyb galka shirka ka socdo magaalada Jowhar ee lagu dhisayo maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Is- afgarad hordhac ah ayaa jiro kaas oo dhexmaray odayaasha dhaqanka Hiiraan iyo wafdiga ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, iyadoo sidoo kale ay jiraan sharuudo odayaasha dhaqanka ay hordhigeen ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Maxamed Cumar Carte.

Qaar kamid ah odayaasha Hiiraan ee la kulmay Mr Carte ayaa sheegay in wafdiga ay u gudbiyeen tabashooyinka ay qabaan iyo sida ay wax u doonayaan.

Waxaana ay sheegeen iney doonayaan in shir dib u hishiisiin  loo dhan yahay dowladana raali ka tahay laga furaa magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Wafdiga ra’iisul wasaare ku xigeenka ayaa rajo weyn ka qaba in odayaasha ay ku qanciyaan ka qeyb galka shirka Jowhar ka socdo, si loo dhameeyo maamul u sameeynta Hiiraan iyo Sh/dhexe.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment