4167 Views

Dabageed oo lagu eedeeyay in Fashil Siyaasadeed uu u horseeday G.Hiiraan

Dabageed oo lagu eedeeyay in Fashil Siyaasadeed uu u horseeday G.Hiiraan
____________________________________________________________________________

Muqdisho, October 4, 2016: Ku xigeenka Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan ee Dhinaca Siyaasadda iyo Arrimaha Bulshada Sheekh Xuseen Cismaan Cali oo ka hadlay Tallaabooyinka Siyaasadeed ee dhawaan uu qaaday Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa shaaca ka qaaday in maamulka Gobolka Hiiraan uu dhex jibaaxayo wax uu ku tilmaamay Fashil Siyaasadeed.

Guddoomiye ku xigeenka ayaa Fashilka Siyaasadeed ee uu sheegay in uu la daalaa dhacayo maamulka Gobolka Hiiraan ku eedeeyay in Masuuliyadeeda uu leeyahay Guddoomiye Dabageed.

Sidoo kale Sheekh Xuseen Cismaan Cali oo sii wata hadalkiisa ayaa sheegay in Guddoomiye Yuusuf Dabageed uu si toos ah ula saftay Heybtiisa isagoo Masuul Qaran ah sida uu yiri.

Hadaba Guddoomiye ku xigeenka dhinaca Siyaasadda iyo Arrimaha Bulshada ee eedaasi kulul dusha uga tuuray Mr Dabageed ayaa qeyb haatan ka ah shirka maamul u sameynta labada Gobol ee Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe Ergooyinka ka qeyb galaya halka Guddoomiyaha Gobolkaas Hiiraan isna uu la duuban yahay qaar ka mid ah Ergooyinka reer Hiiraan oo ka soo gadooday Shirkaasi Jowhar kuwaas oo ku sugan haatan Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment