3000 Views

QM oo wakiil cusub u soo dirsatay Somalia

QM oo wakiil cusub u soo dirsatay Somalia
____________________________________________________________________________

Muqdisho, October 4, 2016: Ban Ki-Moon,Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, ayaa Isniintii magacaabay,Hubert Price oo noqonaya Madaxa Xafiiska taageerada Qaramada Midoobey ee Soomaaliya UNSOS.

Price ayaa ah sarkaal ka tirsanaa ciidamada Mareykanka, waxaana la sheegay inuu yahay nin waayo arag u ah howl-galada nabad ilaalinta Qaramada Midoobeyee ay ka sameeyso Caalamka.

Hubert Price ayaa sanadihii 2010 illaa 2015 ahaa Agaasimaha howl galka taageerada Qaramada Midoobey ee Liberia, sidoo kale waxaa uu horay uga soo shaqeeyay dalal badan oo kala duwan.

Magacaabistan ayaa u gogol xaaraya in wixii ka dambeeya sanadka 2018 Ciidamo ka socda Qaramada Midoobey ka howl galaan Soomaaliya, si ay u bedelaan Ciidamada AMISOM ee ka socda Midowga Afrika, kuwaasoo muddo 10 sano ka howl galaya Soomaaliya.

Qaramada Midoobey ayaa taageero xooggan siisa dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, iyadoo wakiil gaar ah u soo magacawday Soomaaliya, kaasoo fadhigiisa yahay magaalada Muqdisho, in mudda ahna laga howl-galaayay.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment