3453 Views

Dad Ku Geeriyooday Weerar Ka Dhacay Mandhera

Dad Ku Geeriyooday Weerar Ka Dhacay Mandhera
____________________________________________________________________________

Muqdisho, October 6, 2016: Weerar gaastay khasaare isugu jirta dhimasho iyo dhaawac ayaa saq dhexe xalay waxa uu ka dhacay magaalada Mandhera ee gobolka Waqooyi Bari ee Kenya.

Koox hubeysan ayaa la sheegay in weerar ku billowday qaraxyo ay ku qaadeen meel ay deganaayeen dad aan u dhalan deegaanka, balse Kenyan ah, waxaana la sheegay in halkaasi Lix Qof ay ku dhimatay, iyadoo dhaawaca uu intaasi ka badan yahay in kasto tirada runta ah an la ogayn.

Ciidamada Booliiska ee magaalada Mandhera ayaa u xaqiijiyey Warbaahinta in ay soo badbaadiyeen dad gaaraya 20 qof, iyadoo laga yaabo khasaaraha in uu intaasi ka bato.

Guud ahaan xaalka magaalada Mandhera waa mid aad u kacsan, waxaana lasoo sheegayaa in loo maleynayo weerarkaan iney fuliyeen rag ka tirsan Xarakada Al-shabaab.

Wixi nagu soo kordha, halkaan kala soco.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment