4020 Views

“Galmudug iyo Al-Shabaab ayaa duulaan ku soo qaaday Gaalkacyo”

“Galmudug iyo Al-Shabaab ayaa duulaan ku soo qaaday Gaalkacyo”
____________________________________________________________________________

Muqdisho, October 7, 2016:  Puntland ayaa ku eedeysay in dagaalka Gaalkacyo ay ku soo qaadeen Maamulka Galmudug iyo Al-Shabaab oo is baheysanaya, sida lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay Madaxtooyada Puntland.

 

C/llaahi Maxamed Jaamac Qur’aan Jecel,Afhayeenka Madaxtooyada Puntland ayaa sheegay in tan iyo markii uu dhacay weerarkii ay fuliyeen diyaaradaha dagaalka Mareykanka ee ka dhacay deegaanka Jeexdin duleedka Gaalkacyo Puntland uga imaanayay Al-Shabaab iyo Galmudug hanjabaado.

Waxaa uu sheegay in hanjabadahaas is daba jooga kaddib saaka duulaan lagu soo qaaday shacabka Gaalkacyo, waxaa uu tilmaamay in duulaankaas lagu doonayo in loogu aar-gudo xubnihii Al-Shabaab looga dilay weerarkii Jeexdin sida uu hadalka u dhigay.

War murtiyeedka ayaa lagu sheegay in Puntland ay iska difaaceyso duulaanka ay ku soo qaadeen Galmudug iyo isbaheysigooda Al-Shabaab, sida lagu yiri qoraalka hoos ka muuqday

Maamulka Puntland ayaa ku eedeysay in dagaalka Gaalkacyo ay ku soo qaadeen Maamulka Galmudug iyo Al-Shabaab oo is baheysanaya, sida lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay Madaxtooyada Puntland.

Afhayeenka Madaxtooyada Puntland C/llaahi Maxamed Jaamac Qur’aan Jecel ayaa sheegay in tan iyo markii uu dhacay weerarkii ay fuliyeen diyaaradaha dagaalka Mareykanka ee ka dhacay deegaanka Jeexdin duleedka Gaalkacyo Puntland uga imaanayay Al-Shabaab iyo Galmudug hanjabaado.

Waxaa uu sheegay in hanjabadahaas is daba jooga kaddib saaka duulaan lagu soo qaaday shacabka Gaalkacyo, waxaa uu tilmaamay in duulaankaas lagu doonayo in loogu aar-gudo xubnihii Al-Shabaab looga dilay weerarkii Jeexdin sida uu hadalka u dhigay.

War murtiyeedka ayaa lagu sheegay in Puntland ay iska difaaceyso duulaanka ay ku soo qaadeen Galmudug iyo isbaheysigooda Al-Shabaab, sida lagu yiri qoraalka hoos ka muuqda.

war-murtiyed-puntland

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment