3552 Views

Loolan adag oo ka taagan xulidda Xildhibaannada Golaha Shacabka

Loolan adag oo ka taagan xulidda Xildhibaannada Golaha Shacabka
____________________________________________________________________________

Muqdisho, October 7, 2016: Is heysad balaaran ayaa ka taagan qaab xulidda Xildhibaannada Golaha Shacabka oo xubin kasta oo Xildhibaan ah ay ka qeyb qaadanayaan xuliddeeda ergo gaareysa 51 ruux oo kala matalaya dhammaan juffooyinka beeshaasi.

Beelweynta Hawiye ayaa isku khilaafsan hab qeybsiga ergada Xildhibaanka dooraneysa, waxaana muranka ugu weyn uu ka taagan yahay in lagu qeybsado hab ku qotanta qaab qeybsiga gargar-ka ama Qaaraanka oo juffooyinka ay wax ku wadaagaan xilliyada ay jiraan dhibaatooyin iyo is caawinta beesha gudaheeda, halka qaar kale ay ku sheegeen in la kala saaro Qaaraan iyo Siyaasad , waxa ayna soo jeedinayeen in ergada loo wadaago hab siman oo cadaalad ah oo aan jufo ka badsan karin tirada jufo kale.

Beelweynta Hawiye, si gaar ah Beelaha Mudulood, Habargidir, Xawaadle, Murusade , Gaaljecel, Gugundhabe iyo Sheekhaal ayaa hadda wajahaya caqabado qaab xulidda Xildhibaannada, iyadoo loolan adag uu taagan yahay, si la mid ah Beelaha Daarood, Dir, Digil iyo Mirifle iyo Beelaha isbaheystay ee loo yaqaan magaca “ Beesha shanaad”.

Xildhibaan raadintu waxa ay ka kala socotaa gobollada dalka, guud ahaan marka laga reebo dhulka uu maamulo Maamulka Somaliland iyo gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe .

Xiisaha ugu adag waxa uu ka taagan yahay Magaalooyinka Garoowe, Cadaado, Kismaayo, Baydhabo iyo Muqdisho.

Sida ay ku warameen xeeldheerayaal u dhuun daloola arrimaha siyaaasadda Soomaaliya, Waxyaabaha ugu yaabka badan sanadkan ayaa ah mid ku kooban qodobadan hoos ku xusan:

1- Fursadaha qurba joogga muddo dheer ka wada maqnaa dalka ay ku heli lahaayeen xil xildhibaannimo oo aad u yar, marka loo eego kaalintooda iska indhatirka is-caawinta beesha gudaheeda ee loo yaqaan “gargar” ama “Qaaraan”.

2- Loolan miciya-siib ah oo xishoodkii iyo tixgelintii qoyska ka aradan oo u dhaxeeya Aabe iyo Wiilkiisa, Wiil iyo Walaashiisa, Eedo iyo Wiil walaalkeed dhalay, Eedo iyo Wiil seygeeda xaas kale ka dhalay, Habaryar iyo wiil walaalkeed dhalay iyo kuwa kale oo dhiig wadaag ah.

3- Xubno xilal Wasiirro hore u qabtay oo Xildhibaan raadis ah oo kab lala dhacay markii loo sheegay in hore ay ugu fashilmeen xilal wasiirro ah oo dowladdu ay ku aamintay, ayna  rajo dileen shacabka Soomaaliyeed.

Beesha Dir, gaar ahaan garabka loogu yeero “Dirta Waqooyi” ee ka soo jeedda Maamulka Somaliland ayaa ka dhex taagan loolan aan ka yareyn kan beellaha kale, kadib markii qurba joog iyo dad kale oo waxgal ah oo ka yimid Magaalooyinka Burco iyo Hargeysa ay soo buuxiyeen Hoteellada Muqdisho, iyaga oo damaacinaya inay kula tartamaan siyaasadda dadkii hore gobollada waqooyi galbeed u matalayay Baarlamaanka iyo Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynayaasha Maamul goboleedyada Puntland, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Jubaland ayaa iska fogeynaya ku lug lahaanshaha xulid xildhibaanno, iyaga oo muujinaya in Salaadiinta, Malaaqyada iyo Nabaddoonnada ay u madax banaan yihiin howlgudashada arrinkaasi kaga aadan, iyaga oo kaashanaya matalayaasha beellaha ay ka soo kala jeedaan.

Xusul duubka loogu jiro ka mid noqoshada Baarlamaanka labada aqal ayaa waxaa sii adkeynaya qiimaha musharax walba uu ku raadinayo kursi Xildhibaan, layaab kuguma noqon doonto sida wax u socdaan hadaad maqasho in kursi Xildhibaan uu gaaray lacag $1,000 000 (Hal milyan oo dollar).

Source: http://www.jowhar.com/

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment