3267 Views

Wasaarada Arrimaha Gudaha oo amartay in 48 saac gudahood la soo gudbiyo xildhibaanada Hirshabelle

Wasaarada Arrimaha Gudaha oo amartay in 48 saac gudahood la soo gudbiyo xildhibaanada Hirshabelle
____________________________________________________________________________

Muqdisho, October 7, 2016: Odayaasha dhaqanka ayaa lagu amray inay muddo 48 saacadood gudahood ku soo gudbiyaan xubnaha u metelaya baarlamaanka maamul goboleedka Hirshabelle.

Yaxye Cali Ibraahim Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha gudaha, ayaa ugu baaqay odayaasha dhaqanka ee gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe inay si deg deg ah ku soo dhameystiraan xildhibaannada maamulka Hirshabeelle.

Wasaaradda arrimaha gudaha ee xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in meel wanaagsan ay marayso howsha maamul u sameynta gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe taasoo ka socota magaalada Jowhar.

Ergada ayaa ansixisay calankii maamulka, magaca oo laga dhigay Hirshabeelle, dastuurka islamarkaana waxaa u dhiman dhaarinta xildhibaannada oo iyana waqti aan fogeyn la filayo inay ku qabsoonto hoolka shirarka magaalada Jowhar.

Guddiga maamul u sameynta labada gobol ayaa horey u sheegay in maalinta sabtida ah ee taariikhdu ku beegan tahay 8-da bishaan in la dhaariyo xildhibaannada maamulka.

“Duubabka dhaqanka waa inay soo dhameystiraan xildhibaannada maamulka Hirshabeelle si iyagoo dhameystiran loo dhaariyo” ayay tiri wasaaradda arrimaha gudaha. hase yeeshee qaar ka mid ah duubabka dhaqanka ayaan ku guuleysan inay soo xulaan xubnihii u meteli lahaa kadib markii uu khilaf hareeyay qaabka loo soo xulayo  xildhibaanka baarlamaanka.

Magaalada Jowhar oo ah xarunta maamul goboleedka Hirshabelle ayaa waxaa ka soconaya kulamo gaar gaar ah oo ay ka qeyb galayaan wakiillada ka kala socda dowladda federaalka iyo urur  goboleedka IGAD kuwaasoo looga arrinsanayo dhameystirka howlaha socda.

Bishaan 15keeda oo ku beegan todobaadka soo socda, ayaa qorshaha uu yahay in ay dhacdo doorashada madaxtinimada ee maamulka Hirshabeelle.

Howlaha ka socda magaalada Jowhar ayaa waxay ku soo aadayaan iyadoo weli magaalada Baladweyne ay ku sugan yihiin duubab dhaqan oo diidan qaabka iyo hannaanka loo marayo maamul u sameynta kuwaasoo dalbanaya qaarkood in gogosha la geeyo magaalada Baladweyne in kastoo aysan isku raacsanayn.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment