3054 Views

Hey’adda culumada Soomaaliyeed oo baaq nabadeed u jeediyay dhinacyada ku dagaalamay Gaalkacyo

Hey’adda culumada Soomaaliyeed oo baaq nabadeed u jeediyay dhinacyada ku dagaalamay Gaalkacyo
____________________________________________________________________________

Muqdisho, October 8, 2016: Sheekh Bashiir Axmed Salaad, Gudoomiyaha hey’adda culumada Soomaaliyeed oo saaka la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in lagama maarmaan ay tahay in la joojiyo dagaalka ka dhacay Gaalkacyo, islamarkaana laga shaqeeyo sidii loo baajin lahaa dagaal kale oo halkaasi ka dhaco.

Sheekh Bashiir ayaa baaq nabadeed u diray dhinacyada ku dagaalamay Gaalkacyo isagoo ka digay cawaaqib xumida ka dhalan karta colaadda u dhexeysa dadka ehelka ah ee wada dega aagaas.

Wuxuu kula dardaarmay Dowladda Federaalka, waxgaradka, culimada iyo guud ahaan qeybaha bulshada iney iska kaashadaan una istaagaan sidii meesha looga saari lahaa colaaddaasi soo noqnoqotay.

Sheekha ayaa ka digay cuquubada ka dhalan karta dadka an waxba galabsan ee lagu barakicinayo dagaaladaasi iyo kuwa waxyeeladu ka soo gaareyso, wuxuuna ku celceliyay in si wadajir ah looga wada shaqeeyo nabadda, colaadana looga hortago.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment