3402 Views

Maamulka Galmudug iyo Puntland oo faraha isku fiiqaya

Maamulka Galmudug iyo Puntland oo faraha isku fiiqaya
____________________________________________________________________________

Muqdisho, October 8, 2016: Sida na soo gaartay, Maamulka Galmudug ayaa soo saaray war saxaafadeed uu ugaga hadlayo dagaal shalay ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug waxana uu ku beeniyay in iskaashi u dhexeeyo ciidamada Galmudug iyo kuwa Alshabaab sida ay sheegtay Puntland.

War-saxaafadeedka ayaa maamulka Galmudug ku sheegay in dagaalka ka dhacay Gaalkacyo uu ahaa mid salka ku haya dhul la isku haysto iyadoo maamulka Puntland uu ku tilmaamay mid arrimo siyaasadeed ku dhisan.

Warsaxaafadeedka Galmudug ayaa sidaan u qoran.

Waxaa ka dhacay magaalada Gaalkacyo dagaal u dhaxeeyay Ciidamada Dowlad- Goboleedka Galmudug iyo kuwa Puntland kadib markii ay dhismo ka bilaabeen dhul aan dhismo loogu talo gelin oo murano ka jireen iyaga oo howlgalkooda ka bilaabay rasaas ay soo fureen, ciidamada Galmudugna halkaas ayay difaac iyo iska cabin ka bilaabeen.

Waxaa wax lala yaabo ah in Puntland Warsaxaafadeed ku soo saarto waxaa na soo weerar Ciidamada Galmudug iyo Al-Shabaab isgarabsanaya taas oo ah faham aad u hooseeya, waayo wax isgarabsi ama cilaaqaad ah oo ka dhaxeeya ama ka dhaxaynkara Dowlad Goboleedka Galmudug iyo Al-Shabaab ma jiro, balse Galmudug iyo Al-Shabaab waxaa ka dhaxeeya dagaal, waxaana ka go’an Galmudug in ay ka sifeyso degaanadeeda Al-Shabaab.

Waxaa kale oo nasiib darro ah in Puntland ku sheegtay war-saxaafadeedka ay soo saartay in duulaanku uu ah mid aargoosi ah oo looga jawaabayo dagaalki jeexdin, taas oo aan u aragno in ay Puntland ugu saantirayso weerarka ay soo qaaday waxayna caddayn u tahay waxa xumaatada ah ee ka buuxa qalbiyada maamulka Puntland.

Halka Galmudug ay ka go’antahay ku shaqaynta mabaadiiada nabad-ku-wada noolaasho dhexe marata laba shacab iyo labada maamul sida aan horayba ugu baaqnay marar badan.

Galmudug waxy u bandhigaysaa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo beesha caalamkaba( EU, AU, IGAD) in ay hoos u eegaan dhadhansadaana erayada deelqaafka ah ee mar walba kasoo baxaya maamulka Puntland, isla markaana xal loo helo erayada ah Galmudug iyo Al-shabaab is garabsanaya ayaa na soo weeraray, iyo Al-shabaab ayaa lagu laayaya Jeexdin, taas oo aan u aragno in Puntland ay dab shidan ku sii shubayaan shidaal, waxaana uga digaynaa Maamulka Puntland ku cel-celinta erayadaas ay beryahan caadada ka dhigteen, ku cel-celinta erayadaas wixii cawaaqib xumo ah ee ka yimaada waxaa masuuliyadeeda qaadi doona Maamulka Puntland.

-DHAMAAD-

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment