5196 Views

Gudiga Doorashada Dadban oo dib u celiyay liiska Xildhibaanada Aqal Sare ee loo soo gudbiyay

Gudiga Doorashada Dadban oo dib u celiyay liiska Xildhibaanada Aqal Sare ee loo soo gudbiyay
____________________________________________________________________________

Muqdisho, October 10, 2016: War na soo gaaray ayaa sheegaya in Guddiga Hirgelinta Doorashad Dadban ee Soomaaliya uu soo saaray war-saxaafadeed uu ku diidayo Maamul Goboleedyada qaar oo soo gudbiyay liiska xubana ku matalaya aqalka sare,kuwaas oo aysan u dhameystirneyn Koontada Haweenka oo ahaa 30%.

Maamullada Galmudug,Puntland iyo Jubbaland,ayuu guddiga ku dhliilay in heshiiskii Madasha ee Koontada Haweenka aysan waafaqsaneyn xubnaha ay soo gudbiyeen  saddexdaas maamul.

Sidoo kale Guddiga waxaa uu bogaadiyay Maamulka Koofur Galbeed oo heshiiska Koontada Haweenka waafajiyay liiskii ay soo gudbiyeen kaas oo 30% ku bixiyay liiska xubnaha aqalka sare.

Maamullada saddexda ah ayuu guudiga ugu baaqay in ay waafajiyan heshiiska Haweenka u ogolaanaya 30% in ay ku yeeshaan Dowladda Soomaaliya.

Guddiga hirgelinta doorashad dadban ee Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray waxaa uu ku diiday Maamul Goboleedyada qaar oo soo gudbiyay liiska xubana ku matalaya aqalka sare,kuwaas oo aysan u dhameystirneyn Koontada Haweenka.

Maamullada Galmudug,Puntland iyo Jubbaland,ayuu guddiga ku dhliilay in heshiiskii Madasha ee Koontada Haweenka aysan waafaqsaneyn xubnaha ay soo gudbiyeen  saddexdaas maamul.

Sidoo kale Guddiga waxaa uu bogaadiyay Maamulka Koofur Galbeed oo heshiiska Koontada Haweenka waafajiyay liiskii ay soo gudbiyeen kaas oo 30% ku bixiyay liiska xubnaha aqalka sare.

Maamullada saddexda ah ayuu guudiga ugu baaqay in ay waafajiyan heshiiska Haweenka u ogolaanaya 30% in ay ku yeeshaan Dowladda Soomaaliya.

gud1-1gud2-1

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment