3951 Views

Ciidamada Itoobiya oo ka baxay deegaan ka tirsan Gobolka Hiiraan

Ciidamada Itoobiya oo ka baxay deegaan ka tirsan Gobolka Hiiraan
____________________________________________________________________________

Muqdisho, October 11, 2016: Ciidanka Itoobiya ee qeybta ka ah howl galka AMISOM ayaa saaka isaga baxay deegaanka Ceel Cali ee Gobolka Hiiraan, halkaasoo in muddo ah saldhig u ahaa.

Sida an helnay wararka ciidamada Itoobiya ee ka baxay deegaanka Ceel Cali ayaa u ruuqaansaday dhinaca deegaanada ismaamulka Soomaalida Itoobiya oo an ka fogeeyn.

Ciidamadii dowladda Soomaaliya ee deegaanka ku sugnaa ayaa iyana isaga baxay, markii ciidamada Itoobiya iyo gaadiidkooda dagaalka ka ruqaansadeen saldhigaas.

Dadka deegaanka Ceel Cali ayaa sheegaya inay lama filaan ku aheyd ka bixitaanka Ciidamada Itoobiya, halkaasoo aheyd goobihii dagaalada culus ka dhaceen ka hor inta aanay la wareegin muddo ka hor.

Ciidamada Itoobiya ka bixitaankooda, ayaa la ogeyn ujeedada ay ka leeyihiin, hase ahaatee muddooyinkii u dambeeyay ayaa waxaa isa soo tarayay deegaanada ay ka baxayeen ciidamada an kor ku soo xusnay.

Ciidamada Itoobiya ayaa horay u faarujiyay deegaano ka mid ah Gobolada Hiiraan, Galgaduud Bakool iyo meelo kale.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment