3537 Views

Dhismo Maamul oo la magac baxay Hiiraan State

Dhismo Maamul oo la magac baxay Hiiraan State
____________________________________________________________________________

Muqdisho, October 11, 2016: Koox siyaasiyiin ah ee ka soo jeeda Gobolka Hiiraan ayaa sheegay inuu meel wanaagsan marayo qorshe lagu dhisayo maamul la magac baxay Hiiraan State, kaasoo ka madax banaan maamulka uu dhismihiisa ka socdo magaalada Jowhar ee dowladda wadato.

C/llaahi Goodax Barre oo ka mid ah siyaasiyiinta hor-boodeysa dhismaha maamulkan u gaarka ah Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in dhowaan la dooran doono Hoggaanka maamulkaas gaarka u ah Hiiraan.

“Maalin taariikh loo dhigay aas aaska Maamulka Hiiraan State ayay aheyd, dastuurka waa la ansixiyay, Xildhibaanada dhowaan ayaa la xareynayaa, 37 xildhibaan ayuu baarlamaanka ka koobnaanayaa, waxay dooranayaa Guddoomiye Baarlamaan iyo Guddoomiye kuxigeen, iyo Madaxweynaha”ayuu yiri C/llaahi Goodax Barre.

Goodax ayaa sheegay in muddo dheer ay ka shaqeynayeen qorshaha dhismaha maamulka Hiiraan State, isagoo tilmaamay in caasimada maamulkan uu noqon doono magaalada Buulo Burde.

Xildhibaan Goodax ayaa sheegay inay ka soo hor-jeedaan maamulka lagu dhisayo Jowhar, kaasoo uu ku tilmaamay maamul la doonayo in lagu daneysto, doorashana lagu galo.

“Maamulka Jowhar la rabo in lagu dhiso, waa maamul codka shacabka la rabo in lagu boobo, lana doonayo in doorasho lagu galo, dowlad waqtigeeda inay maanta dhahdo maamul ayaa dhiseynaa waa nasiib darro”ayuu yiri Xildhibaan Goodax oo ka digay in shacabka labada gobol ee Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe la dhex dhigo colaad iska taagan.

Si kastaba ha ahaatee maamulka Hirshabeelle ee dhismahiisa ka socdo magaalada Jowhar ayaa maraya marxaladii u dambeysay, iyadoo la dhaariyay Xildhibaanada uu yeelanayo maamulkaas, waxaana maalmaha soo socda lagu wadaa in la doorto Guddoomiye Baarlamaan, kuxigeenadiisa, Madaxweyne iyo kuxigeenkiisa, ka dibna sidaas lagu hirgaliyo.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment