4239 Views

Magaalada Gaalkacyo oo qax ka billowday

Magaalada Gaalkacyo oo qax ka billowday
____________________________________________________________________________

Muqdisho, October 11, 2016: Warar kala duwan oo naga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo, ayaa sheegaya in dadka ku dhaqan ay xalay si wayn uga barakaceen magaaladaasi, ka dib dagaalkii shalay ka dhacay galbeedka Gaalkacyo, halkaas oo labadi maalmood la soo dhaafay degganeed.

Maamulada Galmudug iyo Puntland oo ka wada arrimiya Magaalada Gaalkacyo, ayaa waxaa la soo sheegaya in xalay ay soo geliyen ciidan hor leh, isla-markaana ay xoojisay dareenkii ay shacabku qabeen oo ahaa cabsi soo wajahday deegaanka.

Axmed Cali Xasan oo ka mid ah dhalinyarada ku dhaqan Magaalada Gaalkacyo, ayaa sheegay in shacabku ay walaac xoogani ka muujiyeen ciidanka faraha badan ee la keenay magaaladaasi, kaas oo abuuray qax cusub.

Isagoo la hadlaayay warbaahinta gudaha, ayuu yiri “Ka dib dagaalkii shalay galab ka bilowday magaalada, ayaa waxaa la arkay ciidan lixaad leh oo labada maamulba ay xalay soo geliyeen Gaalkacyo, waxayna sii kordhisay cabsidii ay dadku qabeen.”

“Dadku waxay bilaabeen sagaalkii fiidnimo ee xalay inay ka wada barakacaan Koonfurta iyo Waqooyigaba. Waxaan dhihi karaa Gaalkacyo waxaa looga barakacay si ka daran, sidii sanadkii hore.”

“Gawaarida nooca xamuulka iyo noocyada kale ee gaadiidka, ayay dadku uga barakaceen magaalada. Qof qof ayaa looga tagey guryaha, si ay u ilaaliyan.”

“Walaale dadku waxay ka cararayan in lagu dul dagaalamo, waxay u muuqdan kuwo ka fogaanaya xabadda. Deegaanada ku dhow dhow Gaalkacyo ayay dadku gaarayan.”

Odayaasha Dhaqanka iyo Culima’udiinka Magaalada Gaalkacyo, ayaa waxay ku baaqayan in wada hadal lagu xaliyo khilaafka ka dhex aloosan Puntland iyo Galmudug, kaas dhibaata ku ah dadka deegaanka.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment