3582 Views

Dowladda oo amartay in ciidamo la geeyo magaalada Gaalkacyo

Dowladda oo amartay in ciidamo la geeyo magaalada Gaalkacyo
____________________________________________________________________________

Muqdisho, October 12, 2016: Dowladda Soomaaliya ayaa soo jeedisay in ciidamo ka socdo dowlada dhexe la geeyo magaalada Gaalkacyo si looga hortago xiisadaha iyo dagaalada ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Wasiirka warfaafinta xukuumada Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in taliyaasha ciidamada qalabka sida la farayo iney ciidamo ka tirsan xooga dalka la geeyo magaalada Gaalkacyo.

“Anigoo ku hadlaya afka Ra’iisul Wasaaraha, Waxaa la farayaa taliyeyaasha ciidamada qalabka sida, wixii ciidan ay u heli karaan oo awood u leh inuu damiyo colaad, in loo diro magaalada Gaalkacyo”ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta oo intaa ku daray inay ka xun yihiin colaada Gaalkacyo ka taagan.

Wasiirka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ugu baaqeyso waxgaradka Soomaaliyeed iney ka qeyb qaataan sidii loo joojin lahaa daadinta dhiiga ummada Soomaaliyeed ee an waxba galabsan.

Wasiir Maareeye ayaa sheegay in  lala xisaabtamayo dadka ka dmabeeya dagaalka, isagoo xusay in Mas’uuliyada  koowaad ee colaada Gaalkacyo ay qaadayaan Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug C/wali Gaas iyo C/kariin Guuleed.

Ciidamo kala taabacsan Galmudug iyo Puntland ayaa maalmihii la soo dhaafay dagaalo goos goos ku dhex marayay qeybo ka mid ah Gaalkacyo, waxaana xiisadaha dagaal ee ka jira magaaladaas ay sababeen in dad badan ka qaxaan guryahooda.

Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa hawada isku marinaya hadalo dhiilo xambaarsan, oo sii hurin kara colaada ka taagan magaalada Gaalkacyo tas oo laga yaabo in qaxa sii bato.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment