3363 Views

Galmudug oo beenisay eedeyntii Puntland ku tilmaantay dowladda Soomaaliya

Galmudug oo beenisay eedeyntii Puntland ku tilmaantay dowladda Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho, October 12, 2016: Galmudug ayaa beeniyay eedeyn kasoo yeertay maamulka Puntland oo aheyd in dowlada Soomaaliya ay qayb ku lahayd dagaaladii ka dhacay magaalada Gaalkacyo.

Wasiir ku xigeenka Caddaalada Galmudug Maxamuud Guure Guuleed oo ah  oo warbaahinta la hadlay ayaa beeniyay in dowlada dhexe kaalin ku laheyd dagaaladii ka dhacay magaalada Gaalkacyo.

Wasiir ku xigeenka, wuxuu sheegay in dowlada Soomaaliya marnaba ineysan door ku laheyn dagaaladii dhacay, balse Puntland marar badan ay sheegtay in Alshabaab iyo Galmudug ay la dagaalantay.

Maxamuud Guure Guuleed, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay hadalka Puntland ee ahaa in marba dhinac ay ku sheegto iney weerarkii Gaalkacyo ka dambeeyeen ayadoo an fiirsan hadalkeedi.

“Puntland sow tii horey u dhahday Galmudug iyo Al-shabaab baan la dagaalannay, haddana ma dowlada dhexe iyo Galmudug ayay la dagaalantay, waa marin habaabin shacabka ay ku sameyneyso, waana wax laga xumaado been abuurka intaa la eg”ayuu yiri wasiir ku xigeenka cadaaladda Galmudug.

Warsaxaafadeed shalay kaso baxay Puntland ayaa lagu sheegay in dowlada dhexe iyo Galmudug oo iskaashanaya ay weerar ku qaadeen magaalada Gaalkacyo, ayaga oo ku qasbay dadki deegaanka in ay guryahooda ka qaxaan.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment