4854 Views

Ciidamo gadoodsan oo la wareegay xaruntii Shirka Jowhar

Ciidamo gadoodsan oo la wareegay xaruntii  Shirka Jowhar
____________________________________________________________________________

Muqdisho, October 14, 2016: Ciidamo ka tirsan kuwa Milateriga ah, ayaa maanta la wareegay xarunta shirka magaalada Jowhar, iyagoo diiday in gudaha loo galo, lagana baxo xarunta oo ay sidoo kale degan yihiin ergadii ka qeyb galeysay shirka maamul u sameynta Hirshabeelle.

 

Sida goob-joogayaal sheegayaan ciidamadan oo wata gaadiid dagaal ayaa la sheegay inay ku heyb yihiin Musharaxa Madaxweyne kuxigeenka Xasan Cali Taakow, kaasoo shir jaraa’id oo uu goor dhow ku qabtay Jowhar ku sheegay in la joojiyay shirka Jowhar ka socday.

musharx-4-170x114

Xaalada magaalada Jowhar ayaa ah mid degan, in kastoo ay jirto cabsi laga qabo inay isku dhacaan ciidamadan milateriga ee la wareegay xarunta uu ka socday shirka maamul u sameynta Hirshabeelle oo ku dhex taal dhismaha Shirkadda Farjano oo magaalada dhaxdeeda ah.

Musharaxiinta qaarkood oo u taagan xilka Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka ayaa sheegay inay ka soo hor-jeedaan fara gelin dowladda ku wado doorashada Hirshabeelle, isla markaana Musharaxiin Madaxweyne kuxigeen ka yimid Muqdisho lagu wargeliyay inay isaga soo baxaan shirka oo aanay is sharixi karin ayaga oo doonayo xil.

Dadkaas musharaxiinta ah  waxaa ka mid ahaa Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid oo u taagnaa Madaxweyne kuxigeenka, waxaana la sheegayaa in dowladda ku wargelisay inuu isaga soo baxo Jowhar, isla markaana aanu is sharaxi karin.

Cabashada ka soo yeereysa Musharaxiinta qaar ayaa la xiriirta inay jiraan Musharaxiin gaar ah oo ay wadato dowladda, gaar ahaan Madaxtooyada, waxaana lagu eedeeyay in doorashadii xalay ee Guddoonka Baarlamaanka inay door ku lahaayeen xubnihii la doortay oo faraha lagu fiiqay.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment