3471 Views

Gurmadyo ciidan oo gaaray Puntland iyo Galmudug

Gurmadyo ciidan oo gaaray Puntland iyo Galmudug
____________________________________________________________________________

Muqdisho, October 14, 2016: Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo, ayaa sheegaya in gurmadyo ciidan ay kala gaarayaan maamulada Galmudug iyo Puntland, kuwaasoo maalmihii la soo dhaafay ku dagaalamayay dhinaca galbeed ee magaaladaas.

Sidadadka qaar ay sheegayaan gurmadyada ciidan, ayaa ka imaanaya deegaanada labada maamul ka arrimiyaan, waxaana laga cabsi qabaa in dagaalka labada dhinac u dhaxeeya in uu soo xoogeysto raad ku yeesho dadka degaanka.

Gaadiid dagaal iyo ciidamo fara badan ayaa ku qul qulaya aaggaga ay labada dhinac ku kala sugan yihiin, waxaana mar kasta suura gal ah inay dirir hor leh dhax marto.

Dad ku sugan duleedyada Gaalkacyo ayaa sheegaya inay arkayeen gaadiid iyo ciidamo ay ku qul qulayaan goobaha ay isku hor-fadhiyaan labada dhinac.

Inkastoo xaalada magaalada ay maanta aheyd mid degan, ayaa hadana waxaa jira dhaq dhaqaaqyo ciidan oo labada dhinac wadaan.

Dagaaladii labadii maalmood ka socday magaalada ayaa waxaa ku barakacay boqolaal qoys, kuwaasoo u qaxay deegaanada miyiga ah, halkaasoo laga soo sheegayo xaalado adag oo la soo daristay dadka qaxaya.

Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa hawada isu marinaya hanjabaado culus, kaasoo sii hurinaya colaada labada dhinac ka dhex taagan, waxaana guuldareystay dadaalo nabadeed ay wadeen odayaasha dhaqanka, ganacsatada iyo culumaa’udiinka ku sugan Gaalkacyo.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment