15837 Views

Saadaasha Doorashada Soomaaliya 2016

Saadaasha Doorashada Soomaaliya 2016
____________________________________________________________________________

Toronto | QOL | 14 October 2016 | Waxaa lagu wadaa in ay doorasho xilka madaxtinimada Soomaaliya ka dhacdo gudaha Soomaaliya markii labaad sida qorshuhu yahay iyadoo ilaa 16 musharax ay hadda u taagan yihiin xilkaas musharixiintaas oo isugu jira kuwo aad u cadcad rajadooduna ay fiican tahay iyo qaar kale oo badan oo aan qiyaasayo inay isu soo sharaxeen haleey ogaado taasoo ay ku muujinayaan sida wayn ay uga soo horjeedaan maamulka uu Xasan Sheekh Madaxda ka ahaa 4tii sanno ee la soo dhaafay kuwaasoo aan qiyaasayo inaysan haba yaraatee aysan suurto gal ahayn inay hal cod xitaa ka heli doonaan labada aqal ee la dhisi doono.

14642924_1151417308284907_1097127863_n

Waxaa la yiri nin ayaa wiil uu dhalay uga doonay oday ay waqti dheer wada deganaayeen gabartiisaa, odayga wiilka dhalay oo ahaa oday sabool ah waxaa uu xil iyo xoolo ka haystay hal sac iyo wayl maalintaa u dhalatay.
Odaygii oo ku kalsoon in ninkan saaxiibkiis ah waqtiga dheerna is yaqaaneen ayaa ku yiri odaygii gabadha dhalay waxaan rabaa inaad gabadha na siisid oo wiilkaygaan u rabaa, kedibna odaygii gabadha dhalay ayaa shirbay wuxuuna yiri:-

“ Sakaar gabdhood salaaxidiis ma sahlanee Sac wayl leh keen “
Odaygii wiilka dhalay oo ogaa inaan wax kale u hari doonin ayaa ku jawaabay:-

“ Lo’ aan ka dhiibo laashimoow laba-labo isu leefi meeyso “
Marka waxaan halkaan ku saadaalinaayaa raga aan is leeyahay inay rajaddoodu fiican tahay iyo noocyada ay yihiin.

jibrill1- Jibriil Ibraahim Cabdulle waa 47 jir wuxuuna ku dhashay kuna qaatay waxbarashadiisa hoose iyo sare Muqdisho, burburkii Soomaaliya kedib wuxuu ku noolaa wadanka Canada isagoo waxbarshadiisa heerka jaamacadeed ku qaatay jaamacadda Carleton University ee ku taala Otawa caasimadda Canada. Intuu joogay wadanka Canada wuxuu ka soo shaqeeyay hay’adaha Cadaaladda Canada, wuxuu kaloo la talin kaga soo shaqeeyay wadanka Sweden, Unicef iyo hay’ado kale oo caalami ah, isagoo haatan madax ka ah hay’adda Cilmi Baarista iyo wadatashiga(Center for Research and Dialogue CRD) hay’addaas oo ay wada shaqayn kala dhaxeeyso Hay’adda caalamiga ah ee qaabilsan heshiishiinta wadammada dagaaladu aafeeyeen (War-torn Societies Project International WSP).

Jibriil waxa uu degan yahay dalka Canada.

shariif2- Shariif Sheekh Axmed waa 50 jir, wuxuu ku dhashay degmada Mahadaay ee Gobolka Sh/dhexe, waxbarashadiisa dugsiga sare waxa uu ku dhamaystay dugsigii sare ee Sheekh Suufi ee magaalada Muqdishio, burburkii wadanka kedib wuxuu ku noolaa wadamada Sudan iyo Libiya oo uu waxbarsho jaamacadeed ku qaatay, biloowgii sanadkii 2000 ayuu wadanka dib ugu soo laabtay isagoo ka mid ahaa ragii ka talin jiray maxaakiimtii, ciidamadii shisheeye e dowladii C/laahi Yuusuf wadanka soo geliyay wuxuu ka mid ahaa hogaamiyeyaashii muqaawimada ilaa markii danbe sanadkii 2009 uu noqday madaxwayne ku meel gaar ah dowladii lagu dhisay magaalada Jabuuti.

Sheekh Shariif waxa uu degan yahay East Africa.

xasan-sheekh3- Xasan Sheekh Maxamuud waa 60 jir, wuxuu ku dhashay degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan, isagoo waxbarashadiisa hoose ku soo qaatay gobolka Hiiraan, wuxuuna ka mid ahaa ardaydii ka baxday dugsigii sare ee farsamada gacanta ee magaalada Muqdisho, waxaa kaloo uu waxbarasho jaamacadeed u aaday dalka India isagoo shahaado jaamacadeed ka qaatay jaamacadda Bhopal University. Xasan Sheekh waxa uu ahaa shaqsi aan wadanka ka bixin kana soo shaqeeyay hay’addaha waxbarashada ilaa uu markii danbe noqday hogaamiyaha xisbiga Xisbiga Nabadda iyo Horumarinta (The Peace and Development Party) isagoo Doorashadii ugu horeysay ee wadanka gudihiisa ka dhacday sanadkii 2012 uu ku guulaystay xilka madaxtinimmada.

Xasan Sheekh waxa uu degan yahay Soomaaliya.

farmaajo4- Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waa 54 jir, wuxuu ku dhashay magaalada Muqdisho waxbarashadiisa hoose iyo sarena ku qaatay, waxa uu ka mid ahaa shaqaalihii safaaradii Soomaaliya ee wadanka Maraykanka, wuxuuna shahaado jamacadeed ka qaatay jaamacadda Buffalo ee dalka Maraykanka isagoo ka soo shaqeeyay dowladda hoose ee isla magaaladaas Buffalo, wuxuu ahaa Raisulwasaarihii 2aad ee dowladdii Sheekh Shariif (2010-2011).

Farmaajo wuxuu degan yahay wadanka Maraykanka.

cabdishakuur5- Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame waa 48 jir, wuxuu ku dhashay magaalada Buulobarde halkaas oo uu waxbarashadiisa aasaasiga ku soo qaatay, burburkii kedib wuxuu ku noolaa muddo badan dalka Sudan halkaas oo uu waxbarasho sare oo heer jaamacadeed ah ku qaatay, wuxuu ka mid ahaa kooxdii Asmara ee muqaawimada, wuxuuna ka mid noqday xukuumaddii 1aad ee Sheekh Shariif ee uu raisulwasaaraha ka ahaa.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur waxa uu degan yahay Dalka Ingiriiska.

faroole6- Cabdiraxmaan Maxamed Faroole waa 71 jir, wuxuu ku dhashay degmada Eyl ee gobolka Nugaal, wuxuu waqtiyo badan oo kala duwan ka soo shaqeeyay hay’adihii maaliyadda siiba bankigii dhexe ee muqdisho, Hargaysa iyo kii berbera, waa rug cadaa raggii hore ka danbeeya, isagoo madax ka noqday dowlad goboleedka Puntland.

Cabdiraxmaan Faroole wuxuu degan yahay dalka Australia.

Musharaxiinta badan ee sharaxan waxaa ku jira rag si wayn looga yaqaano Soomaaliya sida Cabdiweli Sheekh(Yuulka), Cumar Cabdirashiid, Cali Geedi,Tarzan, Maxamed Cali Americo, Fiqi, Cali Xaaji oo ah rag xilal ka qabtay federaalka iyo maamul goboleedyada laakiin rajo sidaa u wayn ma rajaynayo inay u muuqato, waxaa kale oo iyana ku jira gabdho iyo rag aan soomaalidu aqoon u lahayn oo qurbo joog ah xilna aan ka qaban Soomaaliya sida Canab Dahir, Faadumo dayib iyo Cabdinasir Cabdulle oo iyagana tartanka gees kaga jira.

Sida caadadu tahay Soomaalidu aqoon badan uma laha habka loogu tartamo xilka noocaas oo kala ah, iyadoo aad moodo inay hal cadaw keliya leeyihiin oo ah xukunka maanta jira, laakiin aysan musharixiintu iyaga dhexdooda is ceebo baaraynin, taasoo keeni lahayd inay dadku kala ogaadaan kan u roon iyo kan aan kii hore dhaamin.

Mustafa Salad Awale | Qaranimo Online | Toronto

.

Akhriso Qoraalo kale oo Xiiso Leh ee isla qoraha.- GUJI Mid walibadoorashada-2016madadkaa-latiriyaa

sayidka

sidaan

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment