6780 Views

KOOXDA JUBBA EE ATLANTA OO GUULO KU TALAABSATAY YM

KOOXDA JUBBA EE ATLANTA OO GUULO KU TALAABSATAY YM
____________________________________________________________________________

ATLANTA, GA | QOL | October 15, 2016 – Tartamo Isboorti ee ka socda Magaaladda Atlanta oo ka tirsan Gobobolka Geargia oo ay ka qeyb galayaan Ciyaartoy kala duwan ee ka kala socoto Degmooyinka uu ka koobanyahay magaladaani,ayaa waxa dhanka Soomaalidda uga qeyb galaayo Koox lagu magacaabo KOOXDA KUBADDA CAGTA ee ATLANTA kuwaa oo runtii muujiyey Dadaal badan oo ay magaca Atlanta ay kor ugu qaadeen,waxayna sanadkaan ay ku jiraan tartan Kubadda Cagta ah oo ay ku loolamayaan dhalinta ay da’adoodu u dhaxeyso 10sano-13sano oo tartamadii ay ka soo qeyb galeen aad loola yaabay habka casriga ah oo ay soo bandhigeen taa oo ay u khushuuceen dadka ka soo qeyb galay isla markaana cadeeyey in ay yihiin kuwa mustaqbal ku leh Ciyaarta Kubadda Cagta.

Kooxda Reer atlanta ee JUBBA ayaa illa hadda waxay soo ciyaareen illa 4 Ciyaarood oo tartankaasi ka mid ah waxayna si xarago leh ugu guuleysteen 3 ka mid ah iyagoo tartankii ugu dambeeyey oo ay la ciyaareen Koox lagu magacaabo TMS EXPLORERS,waxaana ciyaartaasi ku guuleystay kooxdii Jubba oo keensatay illa 8 Gool halka kooxda kale aysan wax goolal ah la imaanin,taa oo kuu muujineysa awooda Kooxdeyna JUBBA iyo xirfadda ay adeegsadaan,iyagoo halkaa sacab badan iyo dhiri gelin ku muteystay.

Tababarayaasha Kooxdani ee kale ah CAYDIID JEENYO IYO CABDIQANI ABUU ayaa markii ay ciyaarta dhamaatay halkaa wareysi kula yeeshay ZACIIMKA oo ka socday CIYAAROFM waxaana uu weydiiyey hadafka ay ka leeyihiin diyaarinta dhalaankani.waxayna labadda Tababare ku jawaabeen in marka hore ay wanagsantahay in dhalanka lagu barbaariyo isboortiaga noocyadiisa kala duwan,waayo waxay ka helayaan caafimaad iyo iyagoo ku noqonaayo dhalin wax la qeybsata bulshadda inteeda kale,waxa kaloo ay ku toosinaayeen tubta toosan,waxay kalo ka fogeyneysaa waxyaabaha mustaqbalkooda wax u dhimi kara.waxay kaloo carabka ku adkeyeen in mustaqbalka dhaw ay matali doonaan Magaca guud ee magaaladda Atlanta,iyagoo farsamooyinka casriga ah oo ay soo bandhigeen ay tahay mid ididiilo wanagsan laga arki karo,Tbabare CAYDIID JEENYO IYO CABDIQANI ABUU ay mahad aan la koobi karin ay dusha kala dhaceen waalidiinta caruurtaan dhalay gaar ahaan hooyooyinka oo garab iyo khashaanba u ah abaabula isboortiga ee kooxda JUBBA ,waxayna cadeeyeen in iyaga la;aantood aan la gaareen guulaha aan maanta ku talaabsan.

Waxa ugu dambeyntii halkaa mahad celin aan la koobi karin u jeediyey tababarayaasha Mudane Dr. Cali Cusmaan Cali Gudoomiyaha Isboortiga ee Atlanta,isagoo u sheegay Tababarayaasha in ay dadweynaha reer Atlanta ay raali idinka yihiin,waxaana uu ku booriyey in dadalka la laba jibaaro,waxa kaloo dr. Cali Cusmaan uu sheegay in ay sharaf u tahay maanta in aan goob joog ka ahaado Guushaan weyn oo ay gaartay Kooxdeyna Kubadda Cagta ee JUBBA,waxana halkaa iskuugu hambalyey Ciyaartoydii,Waalindiintii iyo Tababarayaasha.GUUL TAARIKHI AH IGA DHEH.

.img_1511 img_1513 img_1516 img_1528 img_1530 img_1566 img_1568 img_1571 img_1578 img_1584

.

.

_________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment