3954 Views

Wararkii ugu dambeeyay xaalada Jowhar

Wararkii ugu dambeeyay xaalada Jowhar
____________________________________________________________________________

Muqdisho, October 15, 2016: Shirar kala duwan oo lagu xalinayo cabashada ka timid qaabka loo wado hanaanka doorashada Maamulka Hirshabeelle ayaa ka socota magaalada Jowhar, kaddib markii Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka ay dood ka keeneen qaabkii ay u dhacday doorashadii Guddoonka Baarlamaanka.

Ciidamo hubeysan ayaa shalay saacado la wareegay xarunta uu ka socday shirka, waxaana markii dambe lagu guuleystay in ciidamada ka tagaan goobta, si aanay khal khal u gelin ammaanka halka uu ka dhacayo shirka iyo doorashada.

Xaalada magaalada ayaa ah mid degan, iyadoo ay socdaan kulamo aan loo kala kicin oo lagu xalinayo cabashada qaar ka mid ah Musharaxiinta ka keeneen in habka doorashada loo wado aanay aheyn mid cadaalad ku dhisan, isla markaana musuq maasuq badan iyo nin jecleysi la wado.

Mas’uuliyiin ka kala socda Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo IGAD ee ku sugan Jowhar ayaa kulamo la leh Musharaxiinta cabashada ka keenay habka loo wado doorashada Maamulka iyo fara gelin ay sheegeen inay madaxtooyada ku heyso doorashada.

Wararka qaar na soo gaaray ayaa sheegaya in cabashada qeyb ka mid ah la xaliyay, isla markaana illaa gelinka hore ee maanta lagu wado in la dhameystiro wixii tabasho kale ee ay qabaan Musharaxiinta u taagan Madaxweynaha.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa sheegtay in gelinka dambe ay filayaan in la dhageysto Khudbadaha Musharaxiinta u taagan Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka, si loo sii ambaqaado doorashada Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle.

Sidoo kale waxaa maalinta berri oo Axad ah lagu wadaa inay dhacdo Doorashada Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle, waxaana ka qeyb geli doona Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Dhaxe.

Waxaa la qorsheynayaa in ciidamo dheeraad ah la geeyo goobta ay ka dhaceyso doorashada, si loo sugo ammaanka, iyadoo warar soo baxaya ay sheegayaan in Ciidamo laga dirayo Muqdisho.

Musharaxa Madaxweyne kuxigeenka Cali Xasan Taakow ayaa ku eedeeyay Madaxtooyada Soomaaliya inay wadato shaqsiyaad Musharaxiin ah oo ay dooneyso inay ku soo baxaan xilalka Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka, isla markaana lacag fara badan la keenay magaalada Jowhar si dadka looga gado codkooda.

Si kastaba ha ahaatee dowladda Soomaaliya, ayaa dadaal ugu jirta inay dedejiso dhameystirka dhismaha maamulka Hirshabeelle oo la sheegayo in qaabka ay wax u socdaan aanay taageersaneyn xubno ka mid ah Beesha Caalamka in kastoo aysan shaqo ku lahayn arrimaha hoose ee Soomaaliya.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment