3699 Views

“Cabdi Qeybdiid iyo hoggaamiya kooxeedyadii kale waa in laga saaraa xubnaha aqalka sare”..

“Cabdi Qeybdiid iyo hoggaamiya kooxeedyadii kale waa in laga saaraa xubnaha aqalka sare”..
____________________________________________________________________________

Muqdisho, October 16, 2016: Michael Keating,Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, ayaa Warqad uu soo saaray waxaa uu maamulka Galmudug kaga codsaday in liiska xubnaha u sharraxan aqalka sare aysan ku darin Cabdi Qeybdiid beddelkiisana geliyaan nin ama haweeney ka qeyb qaadan karta horumarinta Soomaaliya oo lagu kalsoonyahay.

Keating ayaa sheegay in beesha Caalamka iyo saaxiibada Soomaaliya ay aad uga walaacsanyihiin in xubnaka ka mid noqonaya Baarlamaanka Labada aqal ee Soomaaliya ay ka mid noqdaan hoggaamiya kooxeedyadii hore ee Waddanka dambiga ka galay.

Waxaa uu Keating, ku dooday in Cabdi Qeydiid iyo Ragga la midka ah sida Jen. Max’ed Siciid Xirsi Moorgan,aysan u qalmin ka mid noqoshada xubnaha Baarlamaanka labada Aqal ee Soomaaliya, kuwaas oo howshooda socoto.

Waxaa la sheegayaa in Warqadda uu soo saaray Keating ku sheegay in Maamullada Galmudug,Puntland iyo Jubbaland looga digay in ay liiska xubnaha aqalka sare ku daraan Qab qablayaashii dagaalka,kuwaas oo uu sheegay in Taariikhdooda hore aysan ahayn mid ay beesha Caalamka soo dhaweyneyso, taas oo macnaheeda tahay in ay madoowdahay.

Isla warqadda ayaa dhanka Jubbaland ka digeysa in lagu daro aqalka sare ninka lagu magacaabo C/fataax Maxamed Cali ,oo uu Keating sheegayo in uu ka tirsanaa Ururkii Xisbul Islaam oo ka jiray Soomaaliya.

qaybdiid

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment