3915 Views

Ahlu-sunna oo eedeysay Maamulka Galmudug

Ahlu-sunna oo eedeysay Maamulka Galmudug
____________________________________________________________________________

Muqdisho, October 17, 2016: Cali Bashiir Faarax “ Cali Baashi “, Madaxweyne ku Xigeenka Maamulka Ahlu Sunna ee Gobolada Dhexe, ayaa sheegay in Maamulka Galmudug uu dagaal ka hurinayo magaalooyin iyo deegaano ka tirsan gobolada Dhexe ee Dalka Soomaaliya.

Waxa uu intaas ku daray, in dhaq dhaqaaqyo Ciidan ay ka wadaan deegaanadaasi isla markaana aysan wax jawaab ah uusan ka bixinin Maamulkooda sida uu cadeeyay.

Waxa kale ee uu sheegay in loo baahan yahay in shacabka Gobolada Dhexe aan lagu kor dagaalamin oo loo turo dadka an ayagu waxba galabsan.

Sidoo kale Madaxweyne ku Xigeenka Maamulka Ahlu Sunna ee Gobolada Dhexe Cali Baashi ayaa waxa uu beeniyay in Xiriir uu kala dhaxeeyo Maamulka Puntland, oo warkass uusan ahayn mid jiro. Waxa uu sheegay in warka Galmudug ka soo yeeray uusan ahayn mid wax ka jiraan.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment