3546 Views

“Maamul aan aheyn Hirshabelle kama shaqeyn doono gobolka Hiiraan”

“Maamul aan aheyn Hirshabelle kama shaqeyn doono gobolka Hiiraan”
____________________________________________________________________________

Muqdisho, October 18, 2016: Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed), Gudoomiyaha gobolka Hiiraan, oo saxaafadda kula hadlay Beledweyne ayaa soo dhoweeyey doorashadii shalay galab ka dhacday magaalada Jowhar ee gobolka Sh/dhexe, taas oo lagu doortay Madaxweyne cusub.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in doorashadaasi ay ku dhacday si cadaalad ah wuxuuna u hambalyeeyey madaxda cusub ee loo doortay maamulka Hirshabeelle.

“Maamul aan aheyn Hirshabelle kama shaqeyn doono gobolka Hiiraan, maxaa yeelay waa maamul xalaal ah oo doorasho ku yimid, waana la shaqeyn doonnaa” ayuu yiri gudoomiyaha Gobolka Hiiraan

Dabageed ayaa ugu baaqay shacabka gobolkaas iney la shaqeeyaan, gacmo furana ku soo dhoweeyaan maamulka cusub ee Hirshabelle, isagoo dhinaca kale xusay iney ka hortegi doonaan ciddii isku dayda iney carqaladeyso ama ay hor-istaagto maamulka cusub

Mudanaaysaha Baarlamanka Hirshabeelle ayaa Madaxweynaha maamulkaas u doortay Cali C/llaahi Cosoble, iyagoo Madaxweyne ku-xigeena u doortay Cali Guudlaawe oo ahaa guddoomiyihii gobolka Sh/dhexe in muddo ah.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment