3801 Views

Xiisad ka taagan magaalada Gaalkacyo

Xiisad ka taagan magaalada Gaalkacyo
____________________________________________________________________________

Muqdisho, October 18, 2016: Wararka naga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in xaaladu ay saaka kacsantahay oo laga yaabo in isku dhac hor leh ka billowdo.

Ciidamada labada maamul Puntland iyo Galmudug ayaa isku horfadhiya Galbeedka Magaalada Gaalkacyo, waxaana la sheegaya in ay qarka u saaran yihiin in  ay isku dhacaan, haddan Allah kala qaban.

Beryihii la soo dhaafay ayaa magaalada waxaa ka dhacayay dagaal culus oo ay waxyeelo kasoo gaartay dad shacab u badan oo ku sugnaa xaafadaha magaalada Gaalkacyo, kuwaa qaarkood ay barakaceen.

Wada hadaladii u dhaxeeyay Waxgaradka Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa fashil ku yimid, maadaama Dagaal u dhaxeeya labada dhinac uu markale ka dhacay Magaalada Gaalkacyo gudaheeda.

Dad fara badan ayaa maalmihii u dambeeyay ka barakacayay Magaalada Gaalkacyo oo ay ku dagaalameen Ciidamo ka kala tirsan Maamulada Puntland iyo Galmudug, kaas oo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dadkii ka baxsaday colaada Magaalada Gaalkacyo ayaa ku dhibaateysan duleedyada Magaalada Gaalkacyo oo cid u gurmatay ayna jirin

C/kariin Xuseen Guuleed ayaa shalay sheegay in Masuuliyiinta Maamulada Galmudug iyo Puntland ay u saareen Guddi heer Wasiiro ah, kuwaas oo soo baari doona colaada ka aloolsan Magaalada Gaalkacyo, si xal deg deg ah looga gaaro.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment