3129 Views

RW ku xigeenka oo gudoomiyay shirka horumarinta iyo dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha Soomaaliya

RW ku xigeenka oo gudoomiyay shirka horumarinta iyo dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October 19, 2016 – Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carteh ayaa maanta gudoominayay shirka bilaha ah ee horumarinta iyo dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha oo lagaga hadlay waxqabadka dowladda, waxaana kasoo qeybgalay Wasiirka Gaashandiga, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Qorsheeynta iyo Iskaashiga Caalamiga, Wasiirada qorsheeynta maamul goboleedyada, saraakiil katirsan safaaradaha jooga dalka iyo hey’adaha caawiya Soomaaliya.

Mudane Carteh ayaa khudbadiisa kaga warbixiyay dhismaha maamulka Hirshabeelle, doorashooyinka aqalka sare, dib u eegista miisaaniyadda dalka, iyo tayeeynta shaqaalaha dowladda.
“Waxaan ku guuleeysanay dhismaha maamulka Hirshabeelle si uu horumar iyo nabadgelyo ugu horseedo labada gobol, Waxaan hambalyo u direenaa Maamulka goboleedka Galmudug oo doortay xubnaha aqalka sare oo hirgeliyay qoondadii haweenka, waxaa iyana maanta socoto doorashadii aqalka sare ee labada maamul goboleed ee Jubbaland iyo Koonfur Galbeed waxaana ku kalsoonahay in ay buuxin doonaan qondada haweenka, Waxaan sidoo kale dib u eegis ku sameeynay miisanayadda qaranka taasoo aan ku soo darnay kharashka doorashooyinka’’.

Mudane Maxamed Carteh wuxuu ka hadlay muhiimada uu leeyahay Qorshaha Horumarinta Qaranka oo noqul kiisii ugu dambeeyay la horkeenay shirka.
“Waxaan ku faraxsanahay in maanta aan heysano QHQ muddo ka badan 30 sano kadib oo dowaladda Soomaaliya si aad ah loogu amaanay maadaama wadanka Soomaaliya uu noqday dalki ugu horeeyay ee ku saleeyay qorshahiisa ahdaafta horumarka waara ee SDG, qorshahaan qaran oo muddo sanad iyo badh ah laga soo shaqeeynayay waxaa diyaarintiisa laga talo geliyay Maamul goboleedyada, buslada caalamka iyo bulsahda rayidka; wax aaanu ku kalsoonahay in uu wax weyn ka tari doono horumarka iyo dib u dhiska dalka’’.

RW ku xigeenka ayaa u mahadceliyay Wasaaradda qorsheeynta sida ay xil isaga saareen diyaarinta QHQ.
“Waxaan ku amaanaynaa Wasaaradda Qorsheeynta Qaranka dadaalka dheeriga ah ee ay geliyeen diyaarinta QHQ ee 2017-2019, Waxaana la wadaa in la dhameystiro Qorshahan oo ay fulindoonto Xukuumadda dambe’’.

rw-xigeenka-kulan-kaabayaasha-1 rw-xigeenka-kulan-kaabayaasha-3 rw-xigeenka-kulan-kaabayaasha-4 rw-xigeenka-kulan-kaabayaasha-2 rw-xigeenka-kulan-kaabayaasha-5

.
.
.
___________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment