2571 Views

RW ku xigeenka oo gudoomiyay shirkii joogtada ah ee 3 biloodka ah ee labada mashruuc CIP iyo SIP oo farsamo ahaan ay ka taageeraan dowladda Soomaaliyeed Baanka aduunka iyo UNDP.

RW ku xigeenka oo gudoomiyay shirkii joogtada ah ee 3 biloodka ah ee labada mashruuc CIP iyo SIP oo farsamo ahaan ay ka taageeraan dowladda Soomaaliyeed Baanka aduunka iyo UNDP.
____________________________________________________________________________

Muqdisho, October 19, 2016: Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carteh ayaa maanta gudoomiyay shirka joogtada ah oo 3 bilba mar la qabto ee mashruucyada tayeynta kobcinta awooda hey’adaha dowladda ee CIP iyo SIP, waxaana kasoo qeybgalay gudoomiyaha gudigga shaqaalaha rayidka iyo qaar kamid ah agaasimayaasha guud ee Wasaaradaha iyo xafiisyada dowladda.

Mudane Maxamed Cumar ayaa dhageeystay warbixin ku saabsan waxyaabaha laga qabtay barnaamijyadan oo ay kamid yihiin:-
1) Shaaqaaleynta 52 qof oo 10 kamid ah ay haween yihiin
2) In Dib u eegis lagu sameeyay qaab dhismeedka xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda Qorsheyeynta, iyo Bankiga Dhexe.
3) Sidoo kale waxaa dib u eegis lagu saameeynayaa qaab dhismeedkooda iyo qaab hoowleedkooda hey’ado 6 gaaraya oo katirsan dowladda.

Mudane Maxamed Cumar ayaa sheegay in dhalinyaro badan ay shaqo ka heleen barnaamijkan isbadelna ay ku sameeynayaan mustaqbalka shaqaalaha dowladda.
“Dadka ugu badnaa ee soo dalbaday shaqada 93% waxey da’doodu u dhaxeeysay 20-40, waxeyna fursad siisay in la shaqaaleeyay dhalinyaro wax baratay oo kor u qaada tayada hey’adaha dowladda, kuwaasoo lagu shaqaaleeyay nidaam ku saleysan mudnaan’’.

Mudane Carteh ayaa u mahadceliyay dhamaan hey’adaha mashaaricyadan ka taageera dowladda.
‘’Waxaan u mahadcelinayaa Baankiga Aduunka iyo UNDP oo farsamo ahaan ka taageera mashaaricyadan dowladda iyo dowladaha maal-geliya oo ay kamid yihiin EU, UK, SWEDEN, NORWAY, ITALIA, iyo SWITZERLAND’’.

Ugu dambeyn RW Ku xigeenka ayaa soo xiray shirka waxaana loo ballamay in bil kadib la isugu yimaado shirka, iyadoo la odorosi doono waxyaabaha la rabo iney ka hirgalaan sanadka 2017.

—–DHAMAAD—–

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment