3492 Views

Dagaal dib uga Qarxay Gaalkacyo

Dagaal dib uga Qarxay Gaalkacyo
____________________________________________________________________________

Muqdisho, October 20, 2016: Wararka an ka helnay Galbeedka Magaalada Gaalkacyo ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi hada uu dib uga qarxay Dagaal u dhaxeeya Ciidamo ka kala tirsan Maamulada Puntland iyo Galmudug.

Aroortii hore ee saakay ayaa Galbeedka Magaalada Gaalkacyo waxaa laga maqlayay Rasaas goos goos ah, taas oo markii dambe isku bedeshay Dagaal toos ah.

Iska horimaadkaan, ayaa la sheegay in labada dhinac ay isku adeegsanayaan Hubka nuucyadiisa kala duwan, waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Wada hadalo la doonayey in xal looga gaaro arrimaha Magaalada Gaalkacyo ayaa fashil ku soo dhamaaday, waxaana ilaa xalay cabsi laga qabay Dagaal qarxa, kaas oo hadda ka socda.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment