5022 Views

DEG DEG: Cumar C/rashiid oo ku guuleystay kursigii u horeeyay Aqalka sare ee Puntland

DEG DEG: Cumar C/rashiid oo ku guuleystay kursigii u horeeyay Aqalka sare ee Puntland
____________________________________________________________________________

Muqdisho, October 20, 2016: Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke, Ra’iisul Wasaaraha xilka haya, ayaa ku guuleystay kursigii 1aad ee xubinimada kuraasta Aqalka sare ee matalaya Puntland, kaddib doorasho goor dhow ka dhacday magaalada Garowe ee xarunta Maamulka Puntland.

Cumar C/rashiid ayaa la tartamayay Aamina Aadan C/llaahi, waxaana uu kaga guuleystay codod aad u badan, iyadoo intii ay socotay tirinta cododka mar kaliya sacab ay isla wada heleen dadkii madasha ku sugnaa oo ay ku jiraan Xildhibaanada meesha joogay.

Guddiga doorashooyinka heer Federaal oo goob joog ka ah doorashada ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashada, waxaana Cumar C/rashiid uu helay 47 cod, halka Aamina Aadan C/llaahi ay heshay 17 cod, waxaa xumaaday 2 cod, tirada guud ee codeysay ayaa gaareysay 66 xildhibaan.

R/wasaaraha ayaa sidoo kale ah Musharax u taagan xilka Madaxweynaha, waxaana Beesha Caalamka ay dood ka keeneen Musharaxnimadiisa xilka Aqalka sare, kaddib markii uu ku soo baxay Liiskii uu soo gudbiyay Madaxweynaha Puntland.

Cumar C/rashiid ayaa saaka khudbadiisa musharaxnimada Aqalka sare ka hor jeediyay Baarlamaanka Puntland, kaddib markii shalay gelinkii dambe uu gaaray Garowe, isagoo ka maqnaa kulankii shalay Musharaxiinta Aqalka sare looga dhageysanayay khudbadahooda.

Kursiga labaad ee Xubinimada Aqalka sare ee Puntland ku taratamaya C/raxmaan Faroole Madaxweynihii hore ee Puntland iyo Cabdi Mahadi

doorashada-aqalka-sare

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment