4206 Views

Faroole oo ku soo baxay Xubinimada Aqalka Sare ee Puntland

Faroole oo ku soo baxay Xubinimada Aqalka Sare ee Puntland
____________________________________________________________________________

Muqdisho, October 20, 2016: C/raxmaan Maxamed FarooleMadaxweynihii hore ee Puntland, ayaa goor dhow ku guuleystay xubinimada Aqalka sare ee Baarlamaanka, kaddib markii uu ka guuleystay Cabdi Mahad Abshir Cusmaan oo kula tartamayay kursiga Aqalka sare.

Tirinta cododka ayaa wali socota, waxaana natiijada horu dhaca ee la helayo ay muujineysaa in Faroole codod badan oo aqlabiyad leh ku guuleystay, iyadoo lagu wado in goor dhow la shaaciyo Natiijada.

Faroole ayaa noqonaya qofkii labaad ee ku guuleysta kursiga Aqalka sare ee Puntland u matalaya, waxaana sidoo kale uu horay ugu dhawaaqay inuu yahay Musharax u taagan xilka Madaxweynaha dowladda Federaalka.

Maamulka Puntland ayaa waxaa u matalaya Aqalka sare 11 xubnood, waxaana ay ku biireysaa Maamulada Galmudug, Jubbaland iyo Koofur Galbeed oo soo dhameystiray Wakiilada u matalaya Aqalka sare.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment