2844 Views

War saxaafadeed : Hannaanka Doorashooyinka 2016

War saxaafadeed :  Hannaanka Doorashooyinka 2016
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October 21, 2016 – Guddiga Federaalka Hirgelinta Doorashada Dadban (GFHDD) waxaa uu soo dhaweynayaa dowlad gobaleedyada Puntland iyo Koofur Galbeed oo ku guulestay in ay soo doortaan Xubnihii u matalayey aqalka sare wuxuuna guddigu ugu hambalyeynayaa sida ay ugu dadaleen in ay qondada haweenkana soo buxiyaan.

Guddigu sidaas oo kale wuxuu soo dhaweynayaa dowlad gobaleedka Jubbaland oo ku gulaysatay in ay doorato xubnihii u matali lahaa aqalka sare.
Guddigu waxaa uu soo dhaweynayaa dhismaha dowlad goboleedka HirShabeelle waxaana uu ugu baaqayaa in ay soo dedejiyaan magacaabista musharraxiinta u tartamaya aqalka sare iyagoo dhowraya guud ahaan shuruudaha ay madashu u dajisay magacaabista musharraxiinta aqalka sare sida in 30% kuraasta aqalka sare ay haweenka si gaar ah ay ugu tartamaan.

Guddigu waxaa uu hoosta ka xariiqayaa in afar (4) dowlad goboleed oo kala ah: Gal-Mudug, Jubaland, Koofur Galbeed iyo Puntland in ay soo dhameystireen doorashadii xubnihii u matali lahaa aqalka sare, taas oo ka dhigeysa xildhibaanada aqalka sare ee ilaa hada la soo doortay 35 xildhibaan oo u dhiganta 65% ee tirada guud ee xubnaha aqalka sare oo ah 54.

.

.

.

_____________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment