2988 Views

Diyaar-growga caleema saarka Madaxda Hirshabeelle oo ka socota Jowhar

Diyaar-growga caleema saarka Madaxda Hirshabeelle oo ka socota Jowhar
____________________________________________________________________________

Muqdisho, October 22, 2016: Diyaarin Xaflada caleema saarka Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka Hirshabeelle ayaa ka socota magaalada Jowhar, iyadoo ammaanka si weyn loo adkeeyay oo meel kasta askar la dhigay.

Xaflada Caleema saarka oo lagu wado inay caawa ka dhacdo hoolka shirarka magaalada Jowhar ayaa waxaa ka qeyb geli doona wafuud kala duwan oo kala kala imaanaya magaalooyinka dalka oo dhan.

Daa’uud Xaaji Ciiro Afhayeenka Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe, ayaa sheegay inay socoto qaban qaabada xaflada caleema saarka, ayna rajeynayaan inay ka soo qeyb galaan Madaxweynaha dowladda Federaalka, Madaxda qaar ka mid ah dowlad goboleedyada iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan bulshada.

Wafuud kala duwan ayaa ku qul qulaya magaalada Jowhar, waxaana magaalada saacadihii la soo dhaafay aheyd mid mashquul ah oo hotelada ay buux dhaafiyeen, dadkuna ka badatay.

Cali C/llaahi Cosoble Madaxweynaha cusub ee maamulka Hirshabeelle,  ayaa lagu wadaa inuu saaka dib ugu laabto magaalada Jowhar, isagoo magaalada Beledweyn u joogay labadii cisho ee u dambeeyay qancinta Ugaas Xasan Ugaas Khaliif.

Waxaa lagu wadaa in madax dhaqameedyada ugu caansan Koofurta Soomaaliya ay ka qeyb galaan caleema saarka xaflada, waxaana warar aan la xaqiijin ay sheegayaan in laga yaabo in caleema saarka uu ka soo qeyb galo Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo wali si adag u diidan maamulka Hirshabeelle.

Kulamo shalay dhex maray Madaxweynaha Hirshabeelle iyo Ugaaska ayaa natiijo la’aan ku dhamaaday, kaddib markii Ugaaska ka gaabsaday inuu taageero maamulkiisa, isagoo diiday inuu saxaafada ka hadlo, si uu u muujiyo taageerada uu u haayo, balse inti hore uu ka jilicsanyahay.

Ciidamo fara-badan oo ka yimid magaalada Muqdisho ayaa ka qeyb qaadanaya sugida ammaanka wafuuda ka qeyb galeysa xaflada caleema saarka Madaxda maamulka Hirshabeelle oo caawa ka dhacaya Jowhar.

Ciidamada gaaray magaalada Jowhar, ayaa waxaa ka mid ah ciidanka sida gaarka ah u tababaran iyo Ciidamada Koofiyo casta ee Ilaalada Madaxtooyada.

Jawiga magaalada Jowhar oo ah xarunta Maamulka Hirshabeelle ayaa ka duwan sida maalmihii la soo dhaafay, iyadoo ciidamada ka qeyb qaadanaya sugida amniga ay xireen waddooyinka laga soo galo iyo halka ay ka dhaceyso xaflada caleema saarka, taas loo ballansanyahay caawa.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment