3762 Views

AMISOM oo garaacday degmada Jannaale

AMISOM oo garaacday degmada Jannaale
____________________________________________________________________________

Muqdisho, October 23, 2016: Ciidamada AMISOM ayaa madaafiic ku garaacay deegaanka Jannaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose, halkaasoo ay ku sugan yihiin dagaalyahanada Al-Shabaab oo muddo fadhiisin ku lahaa.

Sida wararka nagu soo garayaan, ayaa la sheegay in madaafiicdan ay geysteen khasaare, balse aanan la ogayn inta ay la egtahay.

Dadka deegaanka, ayaa sheegay in xalay u aheyd habeen wal wal iyo cabsi ku waa bariisteen, kaddib markii ay maqleen jugta madaafiic ku soo dhaceysay agagaarka deegaanka.

AMISOM iyo Al-Sabaab ayaa midna ka hadlin duqeynta Jannaale, waxaana warar aan la xaqiijin in madaafiicda ay aheyd mid jawaab ah oo ka dambeysay saldhig ay leeyihiin AMISOM oo la duqeeyay xalay.

Ciidamada AMISOM ayaa bishii September ee sanadkii 2015 isaga baxay deegaanka Jannaale, kaddib weerar culus oo Al-Shabaab ku qaaday saldhig ay degenaayeen markaas.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment