4152 Views

Norway Oo Soo Celinaysa Dad Soomaaliyeed

Norway Oo Soo Celinaysa Dad Soomaaliyeed
____________________________________________________________________________

Muqdisho, October 24, 2016: Waaxda Socdaalka Norway ayaa sheegtay in ay  dib u soo celin doonto Qaar ka mid ah Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan dalkeeda ee an sharci ku haysanin.

Dowladda Norway ayaa sheegtay in dadkaan ay wanaagsantahay in dib loogu celiyo dalkooda madaam waaxda Socdaalka dalkaasi ay sheegtay in Soomaaliya ay amaantahay, nabadna ka jirto.

Waaxda socdaalka ayaa ku dhawaaqday in ay  dib u eegi doonto sharciga  la siiyey dad Soomaali ah oo gaaraya 1,600 qof oo  ku nool Qaar ka mid ah gobolada dowladda Norway.

120 qof  oo ka mid ah dadkaasi ayaa mar hore loo direy warqada digniinta sharci kala noqoshada ee dalka Norwey halkaas oo si sharci ah ku joogeen.

Sylvi Listhaug waa Wasiirada arrimaha soo galootiga dowlada Norway, waxaana ay sheegtay in tilaabadaan ay timid ka dib markii ay bateen dadka Qaxootiga ah ee ka imaanaya dalalka Qaarada Afrika , islamarkaana soo gaaraya gudaha dalka Norway.

Dadka ay sheegtay in ay soo celinayso dowladda Norway ayaa badankooda waxa ay sharciyada heleen sanadkii 2012 kii sida ay sheegtay Wasiirada.

Qaar ka mid ah hogaamiyeyaasha bulshada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Norway ayaa cambaareeyay tilaabada ay qaaday dowladda Norway, waxaana ay sheegeen in dadkaasi aysan ku laaban karin Soomaaliya sababo la xariira amaankooda, iyo xasilooni darro ka jirta.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment