3195 Views

Hirshabeelle oo baaq u diray puntland iyo Galmudug

Hirshabeelle oo baaq u diray puntland iyo Galmudug
____________________________________________________________________________

Muqdisho, October 25, 2016: Cali C/llaahi Guudlaawe, Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Hirshabeelle, ayaa Madaxda Maamulada Puntland iyo Galmudug ugu baaqay iney ka qeyb qaataan joojinta dagaalada ka soconayo Magalada Gaalkacyo.

Waxa uu sheegay in ay muhiim tahay in laga wada qeyb qaato joojinta dagaalka Gaalkacyo iyo nabadeynta Magaaladaasi.

Waxaa kale ee uu sheegay in Madaxweynayaasha labada Maamul Puntland iyo Galmudug, loogu baahan yahay in ay deg deg ah ugu hogaansamaan baaqyada nabadeed ee ka soo baxaya Madaxda Dowlada, beesha Caalamka iyo Culimo udiinka Soomaaliyeed.

Guudlaawe  Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Hirshabeelle, ayaa sheegay in shacabka Gaalkacyo ay u baahan yihiin nabad iyo Xasilooni waarta.

Ciidamada Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa weli isku horfadhiya Galbeedka Magaalada Gaalkacyo, waxaana laga Cabsi qabaan in mar kale ay halkaasi ku dagaalamaan, waana arrin fool- xun oo muddo soo taagneed.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

 

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment