3456 Views

Daacish oo shalay qabsatay Qandala xalay-na, isaga baxay

Daacish oo shalay qabsatay Qandala xalay-na, isaga baxay
____________________________________________________________________________

Muqdisho, October 27, 2016: Dagaalyahanadii ka tirsanaa Daacish ee shalay qabsaday degmada Qandala ee Gobolka Bari ayaa xalay isaga baxay, iyadoo ciidamo ka tirsan kuwa Puntland ay ku sii socdaan degmadaas.

Sida wararka sheegayaan, dagaalyahanadan ayaa gaarayay illaa lixdameeyo ruux oo aad u hubeysnaa, waxaana ay calan madow ka taageen xarumihii maamulka degmada.

Kooxdaan ayaa intii ay ku sugnaayeen Qandala aysan wax dhibaato ah u geysan dadka fara ku tiris ahaa ee ku haray deegaankaas.

Wararka na soo gaaray qaar, ayaa sheegaya in dagaalyahanadan ay galeen dhanka buuraha, oo markii hore ay ka yimaadeen.

Xaalada deegaanka Qandala ayaa saaka ah mid degan, waxaana shalay illaa xalay dul heehaabayay diyaarado aan la ogeyn halka laga leeyahay, hase ahaatee dhinaca badda ka imaanayay.

Qandala ayaa qiyaastii 77km dhanka bari kaga beegan magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari, waana deegaan caan ku ah jilaabashada kalluunka.

Waa markii u horeysay oo dagaalyahano ka tirsan Daacish ay la wareegaan deegaan ka tirsan Soomaaliya, tan iyo markii kooxdan shaacisay inay saldhig ku leedahay gudaha Soomaaliya, taas oo in mudda ah laga joogo.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment