4023 Views

Madaxweynaha oo xariga ka jaray dhisamaha Wasaaradda maaliyadda

Madaxweynaha oo xariga ka jaray dhisamaha Wasaaradda maaliyadda
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 27, Oct, 2016 – Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamuud ayaa maanta xariga ka jaray Wasaaradda Maaliyadda oo in mudo ah dhismo ku socday, waxaana xaflada ka soo qayb galay, Wasiiro, Xildhibaano, Taliyayaasha Ciidamada, Agaasimayaasha guud ee Wasaaradaha, iyo Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda.

Ugu horayn Wasiirka Maaliyadda XFS mudane Maxamed Aden Ibraahim Farkeeti ayaa sheegay in uu maanta ku faraxsan yahay in ay rumooday riyadii madaxweynaha oo ahayd inuu dib u dhis ku sameeyo Wasaarada Maaliyadda inta uu xafiiska joogo iyo in uu qabsoomo tiir ka mid ah Lixdii tiir ee Madaxweynaha

“Waxaana niyada gashtay in Wasaaradda Maaliyadda aan dib u dhiso inta aan xafiiska joogo si shacabka loogu fududeeyo adeegyada ay uga baahan yihiin Wasaaradda oo hada madaxtooyada oo si KMG ah ugu shaqeeyso. Waxaa xusid mudan in aan haysanay lacag laba milyan oo doolar ah, oo ay dowladda Sweden noogu deeqday, waxayna soo jeediyeen shirkado shisheeya ah in la dumiyo dhismahaan, waxaanse go’aan ku gaarnay in Wasaaradda ay bixiso lacagta lagu dayactirayo dhismahaan halkii laga dumin lahaa, lacagta kalana waxaan ku dhisamaheeda ku bilaabaynaa bisha soo socota Wasaaradda Lacagta” Ayuu yiri Wasiirku .

Madaxweynah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xassan Sheekh Maxamuud ayaa xirtitaanka xaflada sheegay in ballanqaadkii lixda tiir ay ka mid ahayd hagaajinta Nidaamka Maaliyadda Dalka, maantana lagu guulaystay tiirkaas.

“Waxaa faraxad weyn ah in maanta si xowli ah dalka dib u soo kabanayo, waana meeshii labaad oo aan maanta furo. Afar sano ka hor waxaan ballan qaadnay in lagu samaynayo dib u habayn maamulka maaliyadda dalka, waana ku faraxsanahay meesha ay maanta waxa marayaan, waxaana maanta howl galay dhamaan hay’adihii dowlada isla markaana wada shaqayn buuxdana leh” ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in la hirgeliyey nidaam lagu aggoon karo dhaqdhaqaaqa maaliyadda ”Waxaa lagu tallaabsaday nidaam electronic ah oo aan waxba laga khaldi karin, dhaq dhaqaaq maaliyadeed oo kastana la oggaan karo sida uu u dhacay iyo cida samaysay. Waxaa meesha laga saaray lacagtii cadaanka ahaa ee la isticmaali jiray, Wasaaradda Gashaandhiga iyo tan maaliyadda oo is kaashanaya ayaa ku howlan in ciidanka loo sameeyo nidaam ay mushaarka ku qaataan”.

Wasaaradda Maaliyadda ayaa ka kooban 86 qol waxaana dayactirkeedu socday mudo hal sano ah. Wasaaradda ayaa uga fa’iidaysanaysa in shaqaalaha ay helaan xafiisyo ay ku shaqeeyaan, waxaana dadka shacabka u fududaynaysaa in ay adeegyadooda si sahlan ugu yimaadaan wasaarada.

xariga-kajaray-wasaarada-maaliyada-5 xariga-kajaray-wasaarada-maaliyada-1 xariga-kajaray-wasaarada-maaliyada-4 xariga-kajaray-wasaarada-maaliyada-3 xariga-kajaray-wasaarada-maaliyada-2

.

.

.

_______________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment