2931 Views

War Saxaafadeed : Soomaaliya oo saxiixday cahdiga ka mid noqoshada Ururka IORA

War Saxaafadeed : Soomaaliya oo saxiixday cahdiga ka mid noqoshada Ururka IORA
____________________________________________________________________________

Tr. October 27, 2016
Bali – Indonesia

War Saxaafadeed (Faafin Degdeg ah).

October 27, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Dr. Abdusalam Hadliye Omer waxa uu saxiixay cahdiga Ururka mideeya wadamada dhaca badweynta Hindiya ee marka la soo gaabiyo loo yaqaan (IORA) intii lagu guda jiray Shirka Golaha Wasiirada ururkaasi oo ku qabsoomay Jaziiradda Bali ee dalka Indonesia. Saxiixidda heshiiskan waxa uu micnihiisu yahay in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay si rasmi ah xubin uga noqotay dalladda ay ku midoobeen wadamada ay hareyso badweynta India ee loo yaqaan (IORA) taasi oo dhiirigelineysa ganacsiga iyo iskaashiga dhinacyada badan oo ay ku jirto badbaadada badda, ammaanka , ganacsiga, maalgashiga, maamulka kheyraadka badda, dalxiiska iyo is dhaafsiga dhaqanka.

Hadal uu Wasiir Dr. Abdusalam H. Omer uu jeediyay, waxa uu diiradda ku saarray in Soomaaliya ay tahay xubin muhiim u ah Ururka (IORA), ayna xiriir xoogan oo wax wadaagid ah ay la leedahay inta badan wadamada xubnaha ka ah dalladan, iyada oo aan u mareyno xubinnimadeena waxaanu hiigsaneynaa inaanu sii xoojinno , yagleelno xiriirro cusub oo wax wadaagid ah oo dhinac kasta ku shaqa leh oo ah dan wadaag.

Wasiirku waxa kale oo uu intaasi ku daray in Soomaaliya ka xubin ahaan waxa ay kala xaajoon doontaa dhammaan xubnaha (IORA) ka qeybqaadasho iyo dano wadaag horukac balaaran ka geysan kara dhaqaallaha Soomaaliya bad iyo beriba.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay dhowreysaa mabaadiida cahdiga (IORA) ee ku dhisan wax wadaagid iyo hiigsi guud oo isku xiran, is ogol iyo barwaaqada gobolka badweynta Hindiya .

.

.

.

______________________

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment