3429 Views

Dabageed “Xil ka qaadista la igu sameeyay waxaa is leeyahay armey deg deg ku jirtay”

Dabageed “Xil ka qaadista la igu sameeyay waxaa is leeyahay armey deg deg ku jirtay”
____________________________________________________________________________

Muqdisho, October 27, 2016: Yuusuf Axmed Xagar (Dabageed), ayaa ka hadlay xil ka qaadistii uu shalay ku sameeyay Madaxweynaha Hirshabeelle, isagoo aan lagu soo wargelin, balse uu ka maqlay warbaahinta.

Yuusuf Dabageed, ayaa sheegay in xil ka qaadista lagu sameeyay ay deg deg ku jirto, isla markaana aan la gaarin waqtigii Madaxweynaha uu xil qaadi lahaa asagoo an weli xafiis loo yaqaan uusan jirin.

“Aniga arrintaas waxaa ka maqlay idaacada, iyo website-yada mana la igu soo warfelin, Madaxweynaha waa Madaxweynihii labada gobol xil inuu qof ka qaado qof kalena waa u magacaabi karyaa, dowladnimada ayay ka mid tahay, balse aniga la iguma soo wargelin”ayuu yiri Yuusuf Dabageed.

Waxaa kale uu sheegay inuu aamisan yahay in xilka looga qaaday dhowr arrimood oo kala dhaxeeya Madaxweynaha Hirshabeelle, balse uusan diyaar u aheyn in uu hadda ka hadlo

“Xil ka qaadisteyda xoogaa waqtigii lama gaarin ayaa is leeyahay, Madaxweynaha xafiis ma sameysan iyo teestaato, marka waxaa is leeyahay deg deg ayaa ku jira, wax kale waa caadi”ayuu yiri Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan.

Wareegto uu shalay soo saaray Madaxweynaha Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble, ayaa waxaa uu xilka uga qaaday Yuusuf Dabageed, iyadoo Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan si KMG ah loogu magacaabay Cali Jeyte Cusmaan.

Sidoo kale Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa magacaabay Guddi amniga Gobolka Hiiraan ka shaqeynaya, kuwaasoo ay ka dhex muuqdaan saraakiil ciidan oo aad loo yaqaan.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment