3474 Views

Puntland iyo Galmudug oo maxaabiis is dhaafsaday

Puntland iyo Galmudug oo maxaabiis is dhaafsaday
____________________________________________________________________________

Muqdisho, October 30, 2016: Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in Maamulada Puntland iyo Galmudug ay shalay gelinkii dambey is dhaafsadeen maxaabiis ay ku kala qabsadeen dagaalada maalmihii la soo dhaafay ka dhacayay galbeedka magaaladaas

Dad ka kooban ganacsato iyo odayaasha dhaqanka ayaa ka soo shaqeeyay in labada dhinac ay sii daayaan maxaabiista ay kala heystaan, isla markaana is dhaafsadaan.

Cali Diiriye Aloore oo ah nabadoon, ayaa warbaahinta u sheegay in dadka ay kala heystana labada dhinac ay u badnaayeen dad shacab ah oo an dambi ku lahayn qaska Gaalkacyo.

“Ganacsatada iyo odayaasha dhaqanka ayaa dadaal u galay in la is dhaafsado dadka la kala heysto oo ay ku jiraan dad shacab ah, Galmudug waxay wareejisay afar nin, halka Puntland ay soo wareejisay hal nin, shantaas ayaa la kala wareegsaday”ayuu yiri Nabadoonka.

Waxaa kale ee uu sheegay in dadaal loogu jiro sidii loo kala qaadi lahaa ciidamada isku hor-fadhiya galbeedka magaalada Gaalkacyo, si dagaalka daba-dheeraaday loo joojiyo oo deegaanka la xasiliyo.

Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa dhowaan soo bandhigay maxaabiis ay sheegeen inay dagaalada ku qabteen sidi laba dowladood. Dhibaatadaan ayaa laga dhaxlay waxa lagu magacaabo Federal.

Dagaaladii Gaalkacyo ayaa waxaa ku barakacay in ka badan 50-kun oo qoys, kuwasoo xaalado bani’aadanimo ku heysato deegaanada miyigi ah oo an cidi ugu maqnayn.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment