3354 Views

Qaar ka mid ah Waddooyinka Muqdisho oo la xirayo

Qaar ka mid ah Waddooyinka Muqdisho oo la xirayo
____________________________________________________________________________

Muqdisho, October 30, 2016: Taliska Booliska Gobolka Banaadir ayaa sheegay in qaar ka mid ah Waddooyinka Muqdisho la xiri doono inta lagu guda jiro maalmaha ay dhacayaan doorashooyinka, si loo xaqiijiyo amniga.

Taliyaha Ciidanka Booliska gobolka Banaadir Kornel Bishaar Abshir Geedi oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay la shaqeeyaan ciidanka Booliska gobolka Banaadir.

“Waxaan shacabka Muqdisho u jeedineynaa inay ciidamad kala shaqeeyaan amniga, waxaa ka codsaneynaa shacabka inay dulqaad muujiyaan, waxaa dhici karta in waddooyin qaar la xiro, si amniga doorashooyinka loo sugo”ayuu yiri Col. Bishaar.

Hey’addaha ammaanka ayaa maalmihii u dambeeyay ka waday magaalada Muqdisho howlo la xiriiray diyaar garowga sugida amniga, iyadoo jidad dhowr ah la xiray, halka kuwa kalena dhaxaanta loo yaqaano askari-jiifa wadada bartamaheeda laga sameeyay, si nabada loo ilaaliyo

Inkastoo magaalada Muqdisho kaliya aanay ka dhaceyn doorashooyinka, ayaa waxaa lagu wadaa in xarumaha maamul goboleedyada ay ka dhacaan doorashada aqalka hoose, halka doorashada Guddoonka Baarlamaanka iyo tan Madaxweynaha ay ka dhaceyso magaalada Muqdisho oo ah caasimadda Soomaaliya.

Kooxda Al-Shabaab, ayaa horay ugu hanjabay inay beegsanayaan goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka, si ay u carqaladeeyaan oo ay rabshado ka abuuraan.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment