3426 Views

Saraakiil si nidaam daro ah kaga dhoofi rabtay Muqdisho oo lagu qabtay Garoonka

Saraakiil si nidaam daro ah kaga dhoofi rabtay Muqdisho oo lagu qabtay Garoonka
____________________________________________________________________________

Muqdisho, October 31, 2016: C/risaaq Cumar Maxamed, Wasiirka Amniga Gudaha Somaliya, oo ka hadlaayay kulan looga hadlaayay tahriibka, ayaa wuxuu sheegay in Dowladda Somaliya ay gacanta ku dhigtay shabakado doonaayay inay si sharcidaro ah uga dhoofaan Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Wasiirka, ayaa sheegay in arintaan ay fududeysay nidaamka Garoonka Aadan Cadde oo la adkeeyay, markii la baaray Documentiyada ay ku dhoofayeen dadkaasina ay cadaatay inay been abuur yihiin oo la soo farsameeyay.

C/risaaq Cumar Maxamed, ayaa qeexay dadkaasi inay gaarayeen ilaa labaatameeyo ruux oo rabay inay si aanan sharci aheyn dalka uga dhoofaan, ayaga oo wata warqado an sax ahayn.

“Runtii waxaan rabaa inaan idiin cadeeyo Shabakadaha dhowr marna waa la qabtay markii ugu dambeysana dhawaan ayaa la qabtay oo labaatameeyo ka dhoofaayay Garoonka Diyaaradaha ayaa laga qabtay, waxaana sahlay nidaamka Garoonka ka jira oo Datada la geliya, Baasaboorka ama fiisaha wuxuu sheegay inay ahaayeen wax la soo sameeyay oo aanan sax aheyn, dhinaca Garoomada kale ee Maamul Goboledyada iyaga howshaasi la mid ah ayeey qabteen.” Ayuu yiri Wasiirka Amniga Somaliya

Wasiirka Amniga Somaliya ayaa sidoo kale tilmaamay Dowladda inay la dagaalamayso Shabakadaha dalka wax ka tahriibaya ee doonaya inay si aanan sharci aheyn dadka ku dhoofiyaan oo ay u diraan Tahriib.

Qaraxi ka dhex dhacay Diyaarada Daallo inti ka dambeeysay, waxaa si weyn loo adkeeyay nidaamka Baarista iyo System-ka kala duwan ee Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde.

Marka Garoonka la gelaayo, ayaa waxaa loo maraa nidaam adag oo Baaritaan iyo hubin fara badan ah.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment