3492 Views

“Kun Laba boqol iyo Labaatan qof ayaa waxa ay ku xiranyihiin 22 dal oo caalamka ah”

“Kun Laba boqol iyo Labaatan qof ayaa waxa ay ku xiranyihiin 22 dal oo caalamka ah”
____________________________________________________________________________

Muqdisho, November 01, 2016: Dr. Axmed Cali Daahir, Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka, ayaa sheegay in maxaabiis ka badan Kun Soomaali ah ay ku jiranyihiin xabsiyo ku yaala 22 dal oo ku yaala caalamka.

Xeer-ilaaliyaha ayaa tilmaamay in maxaabiistaasi aysan heysan cid u doodda islamarkaana lagu rido xukun dheer, wuxuuna ka codsaday madaxda dowladda iyo bulshada in ay iska kaashadaan sidii loogu gurman lahaa maxaabiistaasi Soomaaliyeed.

“Kun Laba boqol iyo Labaatan qof ayaa waxey ku xiranyihiin 22 dal oo caalamka ah oo loo heysto burcadbadeed, hindiya oo kaliya ma aha waa 22 wadan hadii ay tahay Sishelis, Malta, Kenya Iran, Baxreyn, Cuman, Imaaraadka, Filipin Japan, Viatnam, America, caalamka oo dhan ayeey ku xiranyihiin dad Soomaaliyeed, dadkaasi anagey naga sugayaan iney cadaalad helaan” ayuu yiri Xeer ilaaliyaha qaranka.

Asaga oo hadalkiisa sii wata, Dr. Axmed Cali Daahir, ayaa yiri “Dadkaasi intooda badan burcadbadeednimo ayaa lagu xukumaa Xuquuq maleh, Looyar looma qabto, isma difaacaan, marqaati looma keeno 15 sano 20 sano ayaa lagu xukumaa”.

Dr. Axmed Cali Daahir, ayaa hoosta ka xariiqay in muhiimaddu ay tahay in dadkaasi ay helaan cid u doodda oo xuquuqdooda difaacda iyo in kuwa la kuxumay ay helaan xabsiyo leh nolol wanaagsan, wuxuuna xusay in xabsiyada hindiya ay yihiin kuwa ugu liita caalamka ee dad lagu xiro.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment