3990 Views

War Murtiyeed laga soo saaray heshiis ay gaareen Galmudug iyo Puntland

War Murtiyeed laga soo saaray heshiis ay gaareen Galmudug iyo Puntland
____________________________________________________________________________

Muqdisho, November 02, 2016: Labada maamul, Puntland iyo Galmudug ayaa heshiis hordhac ku gaaray magaalada Abu Dubai iyadoo heshiiskaasna ay goobjoog ka ahaayeen madaxda maamul goboleedyada kale ee dalka Soomaaliya.

Qodobada maamuladaan ay ku heshiiyeen ayaa waxaa ka mid ah in xabada la joojiyo,dadka ku barakacay dagaalka Gaalkacyo dib loo soo celiyo iyo in wadahadal ay 20ka bishan isugu yimaadaan magaalada Kismaayo ee Jubaland

Heshiiskan waxa uu qeyb ka yahay qorshayaal ay wadato dowlada Imaaraadka Carabta taasoo ay dhowaan isugu yeertay madaxda maamul goboleedyada dalka Soomaaliya.

Wararka na soo gaaray ayaa sheegayaan in dowlada Isutagga Imaaraadka Carabta ujeedada ay maamul goboleedyadaas isugu yeertay ay tahay dano gaar ah oo ay ka leedahay doorashada dalka Soomaaliya.

Ilo muhiim ah ayaa sheegaya in dowlada Isutagga Imaaraadka Carabta ay madaxda maamul goboleedyada kala hadashay arrimo ku saabsan doorashooyinka dalka balse aysan madaxda maamul goboleedyada aysan isku wada raacin qorshaha Imaaraadka. Waxaa weli ka sii socda magaalada loo dalxiis tago ee Abu-Dubai wadahadalada u dhexeeya madaxda maamul goboleedyada dalka iyo madax ka socota Imaaraadka

Qorshaha ay wadato UAE ayaysan illaa iyo hadda ka hadlin dowlada federalka waxana ay ka maqnaanshaha dalka madaxda maamul goboleedyada ay habacsanaan geliyeen qorshihii lagu doonayay in lagu bilaabo doorashada dalka gaar ahaan kuwa Aqalka Hoose iyo xubnahah Aqalka Sare ee Maamulka Hirshabeelle.

Farogelinta ay ku hayso Isutagga Imaaraadka Carabta dalka Soomaaliya ayaa ah mid aan hore loogu arkin dalka Soomaaliya waxana ay xukuumada Imaaraadka Carabta hore u ahayd dowlad taageerta dowlada Soomaaliya, danteedana fiirsato.

Hoose ka aqriso War Murtiyeedka

20161101_212550

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment