3252 Views

“Doorashada waqtigii loogu tala galay ayay ku dhici doontaa”

“Doorashada waqtigii loogu tala galay ayay ku dhici doontaa”
____________________________________________________________________________

Muqdisho, November 03, 2016: Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, ayaa rajo ka muujiyay in doorashada ay ku dhici doonto waqtigii loogu tala galay, xilli ay soo baxayaan shaki ku aadan in mar kale dib u dhac ku yimaado Doorashada Guddoonka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha.

R/wasaaraha oo ku sugan dalka Jabuuti ayaa la kulmay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, isagoo uga warbixiyay xaalada Soomaaliya, doorashooyinka dhowaan dhici doona, isagoo ka codsaday in Jabuuti gacan ka geysato doorashada Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in Jabuuti ka dalbadeen in garwadeen ama marqaati ka noqoto doorashooyinka dhowaan dhacaya, maadaama aheyd halka lagu unkay Carte dowladdii KMG aheyd, isagoo uga mahad celiyay sida ay mar walba Soomaaliya u garab taagan yihiin iyo ay muujiyeen.

Cumar C/rashiid ayaa sheegay in todobaadkan magaalooyinka maamul goboleedyada ka bilaaban doonaan doorashooyinka Xildhibaanada aqalka hoose, isla markaana la doorto Xildhibaanadii ugu horeeyay ee 2016-ka

Magaalooyinka maamul goboleedyada ayaa waxaa ka socda dhaq dhaqaaqyo la xiriira doorashada aqalka hoose, waxaana ku qul qulaya Musharaxiin xilal doon ah oo raadinaya Kursi Xildhibaan si ay uga mid noqdaan Barlamaanka cusub.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment