4383 Views

Shaqaalaha dowladda Hoose ee Xamar oo mushaarkooda u yaboohay dib u dhiska waddooyinka

Shaqaalaha dowladda Hoose ee Xamar oo mushaarkooda u yaboohay dib u dhiska waddooyinka
____________________________________________________________________________

Muqdisho, November 05, 2016: Maamulka Gobalka Banaadir ayaa sheegay in shaqaalaha dowladda Hoose ee Xamar ay muddo bil ah mushaaraadkooda ugu deeqeen in ay uga qayb-qaataan Dhismaha Wadooyinka Magaalada Muqdisho.

Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale, Guddoomiyaha Gobalka Benaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale oo ka qeyb galay barnaamijka kulanka todobaadka ee ka baxa Radio Muqdisho iyo Telefishinka Qaranka ayaa sheegay in hal bil oo ka mid ah mushaarka shaqaalaha Dowladda Hoose ay garteen in lagu dhiso Waddada buundooyinka ee dhexmarta degmooyinka Waaberi iyo Xamar Jajab.

“Wadada Buundooyinka dhexmara ee soo aado dhanka Ceel Gaabta ayaa shaqaalaha dowladda Hoose ee Xamar waxa ay go’aansadeen inay ku tabarucaan dhismaha wadada, oo aan kabilowno dhanka Ceel Gaabta oo aan gaarsiino, tan buundooyinka, taasi oo aan ognahay inaysan kaligeed ku filneyn, balse ay u noqoneyso mid bilow ah” ayuu yiri Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment